-
Published On: Sun, Oct 24th, 2010

Qoraal Kulul Oo Madaxweynaha Dawlada Taagta Daran Ee Somalia U Gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka , Eedaymo Uu La Xidhiidhiyay Af-hayeenka, Muranka Sharci Ee Ansixinta Raysal Wasaraaha Iyo Arrimaha Cakiran

Smiley face
Share This
Tags

 Muqdisho(ANN)Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Somalia Sh. Shariif ayaa gudoomiyaha golaha Baarlamaanka u gudbiyay qoraal uu si kulul ugu weerarayo qaabka uu gudoomiyihu u maamulay qorshaha fadhigii todobaadkii hore fashilmay ee la doonayay inay mudanayaashu

ku ansixiyaan raysal wasaaraha cusb, kaas oo aanay  suurta gelin balantii danbe ee fadhiga loo qaban lahaa mudanayaasha, iyadoo ay xaaladu cirka isku shareertay maalmihii u danbeeyay.
 Qoraalka uu Madaxweyne Shariif kaga hadlay xaalada waqtigan ee xukuumadiisa, ansixin la’aanta Raysal wasaaraha  cusub iyo qaabka sharci ee u banaan gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Axmed, waxay nuqul ka mid ah oo soo gaadhay shebekada warbaahinta ee Aaraweelonews u qornayd sidan;-  “Sida ku cad Axdi Qarameedka Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa leh awoodda magacaabidda ra’iisul wasaaraha (eeg qodobka 44-aad ee Axdiga DFKMG ah). Baarlamaankuna wuxuu ansixiyaa magacaabidda uu sameeyo Madaxweynaha, Maadaama uu Baarlamaanku leeyahay awoodda ansixinta magacaabista uu sameeyo Madaxweynuhu, wuxuu kaloo awood u leeyahay inuu diido, sababtoo ah haddii ay jirto awoodda ansixinta, waa inay jirtaa awoodda diidmada.
Tan iyo markii la billaabay in Madaxweyne Soomaaliyeed uu magacaabo ra’iisul wasaare, sanadku markuu ahaa 1960-kii, lama hayo raad muujinaya baarlamaan diiday raíisul wasaare Madaxweynuhu soo magacaabay. Haddaba, waxay noqoneysaa arrin ugub ah oo aan hore u dhicin in Golaha Baarlamaanku is-hortaago raíisul wasaare Madaxweynuhu magacaabay.
Qodobka 49-aad ee Axdi Qarameedka wuxuu dhigayaa: “Ra’iisul wasaarihii uu magacaabistiisa ansixiyo Golaha Baarlamaanka, wuxuu shaqada billaabayaa marka uu dhaarto.” Sidaas darteed, shaqo billaabidda raíisul wasaaruhu waxay ku xiran tahay ansixinta Baarlamaanka.
14-kii October ee sanadka 2010, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, wuxuuna 20-kii October horgeeyey Golaha Baarlamaanka. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Golaha ka jeediyey khudbad uu ku sharraxayo barnaamijkiisa iyo qorshayaashiisa siyaasadeed.
Isla markii uu khudbaddiisa dhammeeyey ayuu Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu shaaca ka qaaday inuu hayo laba mooshin oo iska soo hor jeeda. Mooshin ay 140 xildhibaan ku codsanayaan in raíisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan badheedh,  ama gacan taag ah. Iyo mooshin ay 40 xildhibaan ku codsanayaan in hannaan qarsoodi ah loogu codeeyo raíisul wasaaraha.
Axdiga DFKMG ah kuma cadda hannaanka ay tahay in Golaha Baarlamaanku ugu codeeyo raíisul wasaare lasoo magacaabay.
Qodobka 71-aad, faqradda 2-aad ee Axdiga ayaa qoraya in: “Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii iyo sharciyadii kale ee dalka loo isticmaali karo arrimaha aan lagu xusin Axdigan haddii aysan ka hor imaaneyn Axdiga.”
Haddaba, maadaama aysan Axdi Qarameedka ku caddeyn hannaankii uu Golaha Baarlamaanku ugu codeyn lahaa raíisul wasaaraha, waa in dastuurkii 1960-kii loo noqdaa, lana cuskadaa. Qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, ayaa wuxuu dhigayaa in: “ Golaha Baarlamaanku uu codka kalsoonida siiyo, ama ugu diido, raíisul wasaaraha iyo wasiirradiisa, hannaan mooshin qeexan ah oo lagu meel-marinayo cod-bixin hal-dheeri ah tirada xubnaha fadhiya madasha taas oo noqonaysa cod bixin bareer ah (gacan taag) (by a simple majority in open vote).”
Haddaba, sida ku cad qodobkan, codka Baarlamaanka ee kalsooni siinta raíisul wasaaraha ama ansixintiisu, waa inay u dhacdaa hannaan bareer ama gacan taag ah. Sidaas darteed, mooshinka ay soo gudbiyeen 140-ka xildhibaan, ayna ku dalbanayaan in raíisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan gacan taag ah, waa inuu hirgalo, mooshinka kalena waa inaan la meel-marin, maadaama si toos ah uga horímaanayo qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii.
Waxaase la yaaab leh, oo aan la fileyn, in Afhayeenka Baarlamaanka, isagoo aan ka fiirsan, inuu soo saaray goáan uu ku doodayo, in qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka uu dhigayo: in haddii laba mooshin uu midkood dalbanayo cod gacan taag ah, midna uu dalbanayo cod qarsoodi ah, in midka qarsoodiga dalbanaya uu dhaqan galo.
Qodobkan 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka wuxuu ku saabsan yahay marka loo codaynayo hindise sharci  ee kuma saabsana kalsooni u qaadid Raysul Wasaare cusub iyo xukuumadiis toona.Sidoo kale, waxa uu ka hor imaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo isna si aan mugdi ku jirin u qeexaya in codka kalsooni siinta raíisul wasaaraha ama dowladdiisa loo qaado hannaan cod bareer ah (gacan taag).
Waliba, qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, iyo goáankii uu qaatay Afhayeenka Baarlamaanka, waxay ka horímaanayaanqodobka 30-aad, faqraddiisa 6-aad ee isla Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, kaas oo caddeynaya in mooshinkii ka horímanaya Shareecada Islaamka, Axdi Qarameedka, Dastuurka …, inuu noqnaya wax kama jiraan. Waxaa sidaas oo kale qaba qodobka 98-aad ee Dastuurkii 1960-kii.
Sidoo kale, sida ku cad qodobka 30-aad Xeer-Hoosaadka, Afhayeenku waa in uu hubiyaa in motion-ka la keenay uu Axdiga iyo Dastuurka waafaqsan yahay, kaddibna waa in uu oggolaadaa in dood la galiyo, taasna ma uusan samayn.
Haddaba, goáankii Afhayeenka Baarlamaanka, waa mid aan sharci ku dhisnayn oo aan la qaadan karin, maxaa yeelay:
Go’aanka Afhayeenku wuxuu fulin waayay qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo ay tahay in loo noqdo marka ay soo baxaan arrimo aan ku caddeyn Axdi Qarameedka.
Wuxuu ka baaqsaday inuu u hoggaansamo, isla markaana dhaqan-galiyo qodobka 30-aad, faqradda 6-aad ee Xeer-Hoosaadka, kaas oo si cad u qeexaya in mooshinkii ka horímanaya Shareecada Islaamka, Dastuurka 1960-kii iyo shuruucda kale ee dalka, inuu noqonayo mid aan waxba ka jirin. Mooshinka dalbanaya codka qarsoodiga ah wuxuu ka horímaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, wuxuuna ku saabsan yahay oo kaliya marka hindise sharci la samaynayo.
Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu ka baaqsaday inuu mudanayaasha baarlamaanka  siiyo fursad ay uga doodaan labada mooshin, kaddibna ay fikraddooda cabbiraan, ama ay labada mooshin midka ay raacsan yihiin doortaan.
Afhayeenku wuxuu kaloo si ula kac ah isaga indha-tiray dhaqanka soo jireenka ahaa ee siyaasadda Soomaaliya, kaas oo ahaa in raíisul wasaaraha aan la is hortaagin isagoo aan shaqaba billaabin.
Wuxuu cabbiri waayey in uu qiimeeyo marxaladda adag ee uu dalku marayo taas oo aan qaadi karin khilaaf iyo is-qab-qabsi siyaasadeed.
Haddaba, Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu ugu baaqayaa Afhayeenka Baarlamaanka inuu sharciga ilaaliyo, isla markaana aanu  iska hortaagin xildhibaannada Qaranka gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro dagaalka, loona baahan yahay xukuumad u istaagta wax ka qabashada howlaha adag ee horyaalla.” Ayaa lagu soo gebagebeeyay qoraalka.
Dhinaca kale  Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wixii ka horeeyay qoraalka  Madaxweyne Sh. Shariif lala xidhiidhinayay inuu qayb ka yahay dedaalka la doonayo in lagu ansixiyo Raysal wasaaraha, balse qoraalka Sh. Shariif ayaa si cad u iftiimiyay eedo la xidhiidha inuu gudoomiyaha Baarlamaanku qayb ka yahay ansixin la’aanta Raysal wasaaraha cusub, waxaana loo malaynayaa inuu gudoomiyuhu hada la saftay kooxda sida weyn ugu ololaynay in aan gebi ahaanba la ansixin raysal wasaaraha cusub, Mr. Farmaarjo, isla markaana waxa kale oo ay weedhaha ku qoran qoraalka Madaxweyne Shariif u muuqdaan kuwo cirka ku shareerary xaalada khilaafka siyaasadeed, iyadoo ay kala qaybsanaanta iyo khilaafka Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku horseedi karto inay xaaladu faraha ka baxdo oo ay sidaa ku burburto gebi ahaanba dawlada taagta daran ee ay ku hareeraysan yihiin kooxaha dagaalka kula jira ee Al-shabaab iyo xisbul islaam, balse waxa indhaha lagu hayaa jawaabta uu ka bixiyo Af-hayeenka Baarlamaanku qoraalka madaxweynaha iyo ficilka uu ka qaato, taas oo saamayn ku yeelanay xaalada muranka iyo khilaafka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>