Hargeysa(STN) Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka RAYS ,  Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa ka hadlay go,aamada ay todobaadkii lasoo dhaafay soo saareen gudida qiimaynta tartanka Ururada siyaasada  iyo axsaabta qaranka  ee Somaliland.  Sidoo kale Mr. Gaafaadhi wuxuu tafaasiil ka bixiyay

 

qodobo muran ka dhex abuuray gudida ansixinta Ururka  Siyaasada Somaliland iyo hogaamiyaasha ururaddaa ee la kulmay.
Dr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxa kale oo uu ka hadlay halka ay ku danbeeyeen wadahadalo u dhxeeyay Ururkooda RAYS iyo Ururka Jamhuuriga oo ay hore wadajir ugu sheegeen inay midoobayaan, isagoo dhinaca kalena sharaxaad ka bixiyay halka ay maray hawsha Ururkooda RAYS, gobolada , ama degmooyinka ay ilaa hada xafiisyo ka furteen iyo gudoomiye ahaan mustaqbalkiisa  siyaasadeed.
Gudoomiyaha RAYS, waxa uu arrimahaa iyo kuwo kaleba kaga hadlay waraysi gaara oo uu maanta ku siiyay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa shebekada wararka ee Samotalis, wuxuuna isagoo marka hore la weydiiyay waxa kasoo baxay kulankoodii gudida tartanka Ururada  iyo axsaabta ay dhowaan la yeesheen yidhi, “Go;aamada ay soo saareen waxay ahaayeen kuwo la xidhiidha intii lagu kala reebi lahaa jedwalka labaad, waxaana ka mid ahaa in ururwalba magaalo madaxda gobolada ku diyaariyo (1,000) kun qof. Wixii kalena ay ahaadaan dhismihii Ururka sida shirweynihii , golihii fulinta, i barnaamijkiisa, dastuurkiisa  iyo Ururka oo dhamaystiran. Qodobka kunka qof waxa ka yeedhay qaylobadan ayaa ka dhacday sababtoo ah Ururadu waxay saluugeen qaabka loo dhigay, waxaana lagu dooday haddii kunkaa qof laga doonayo gobolada waa inay degmooyinku qayb ka ahaadaan. Laakiin waxa lagu koobay magaalo madaxda gobolka. Qodobkaa iyadoo cabasho danbe laga sameeyo mooyee sidii ayaa maalintii lagu kala tegey.”
Dr. Gaafaadhi oo la weydiiyay Haddii aanay jirin diiwaan gelin oo la laalay xeerkii diiwaangelinta. Sida a lagu ogaanayo kunka qof ee la doonayo inuu Urur walba ka haysto gobolka  iyo waxa  xalkiisu noqonayo qodobkaa. Waxa uu sheegay inaan arrintaa laga hadlin oo ay tahay mid taagan oo dhibaatadeeda leh. Sidoo kale wuxuu xusay inay jiraan su’aalo kale oo ku xeeran qodobkaa oo lays weydiinayo, kuwaas oo aan weli jawaab loo hayn, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Waxyaabo baddan oo ku xeeran qodobkaa waxa fiican in marka horeba laysla meel dhigo, waxa ka mid ah haddii Ururku gaadhi waayo  kuna qof oo ka waayo gobolada muxuu noqonayaa, haddii  sadex Urur keliyi shuruudahaa buuxiyaan maxay noqonaysaa ,haddii  Urur gobolada kale ka helo kunkaa laakiin gobol keliya uu tiradaa ka waayo maxay noqonaysa, su’aalo baddan ayaa halkaa ku jira ilaa tafaasiishaa la helana waxa laga yaaba in muran ka yimaado.”  Ayuu yidhi. Gudoomiyaha RAYS, balse waxa uu xusay inay jiraan kulamo danbe oo hogaamiyayaasha Ururada siyaasada iyo gudidu ku balameen si arrimahaa xal loogu helo, kuwaas oo aan weli suurta gelin iyadoo mudadiina gabaabsi tahay oo waqtigii soo dhowaaday.
Mar la weydiiyay halka ay ku danbeeyeen wada hadalo  u dhexeeyay Ururkooda RAYS iyo Ururka Jamhuuriga oo la doonayay in lagu mideeyo labadaa Urur, waxa uu sheegay in arrintaasi ahayd laba qodob oo mid ahaa in laysla qaato in la midoobo iyo qodobka kale oo ahaa in gudi farsamo loo saaro tafaasiisha midawgaa gudi farsamo. Laakiin waxa dhacday turjumaad khaldan oo ahayd in midawgu magac qaatay oo aanay waxba ka jirin, balse waxay ahayd in iyadoo labada urur midwalba gaarkiisa u taagan yahay in gudi farsamo oo midawgaa iyo arrimahaa labada Urur (RAYS iyo Jamhuuriga), magaca la qaadanayo, xilalka iyo guud ahaan qaabka midawga  kasoo taliya loo saaro. Laakiin iyadoo aan la gaadhin halkaa, ayaa waxa bislaan waayay wadahadalkii, mana aanan kala tegin, welina si buuxda isuguma aanu biirin ee Urur walba magaciisii iyo calaamadihiisii sidii ayuu u wataa mustaqbalkana ama way dhamaystirmi doontaa hawshaasi, ama waxaanu kala ahaan labadii Urur ee aanu kala nahay.”
Gudoomiyaha RAYS, Xasan Gaafaadhi oo la weydiiyay sida ay u rakaan soo jeedinta kulankii u danbeeyay ee gudida ururadu ugu soo jeedisay inay midoobaan, waxa uu yidhi,   “midawgu  wuxuu ku xidhanyahay Ururada ee maaha  wax khasab ah oo la leeyahay midooba, iyadoo la leeyahay anagaa hawlyaraysanayna  ee waxay ahayd marka hore in laga taxadiro oo la xadido tirade, sababtoo ah Urur walba iskii ayuu u taaganayahay oo isu diiwaangeliyay oo doonayaa inuu ku tartamo oo garoonku soo celiyo, labadii midoobaya ee mabda’iyan midoobayaa ee is fahamtaa iyagay u taalaa.”
Gudoomiyaha Ururka Rays , oo la weydiiyay inay xafiisyadii ka wada furteen gobolada iyo degmooyinka dalka iyo in kale, maadaama Ururkoodu ka mid yahay Ururada ugu cad cad shan iyo tobanka Urur siysaasadeed ee isu diwaangeliyay tartanka  doorashada Golayaasha deegaanka iyo axsaabta qaranka, wuxuuna isagoo taa ka jawaabaya yidhi, “Magaalo madaxyada gobolada oo dhan  xafiisyadu way nooga furan yihiin, degmooyinkana laba ama sadex mooyee way nooga wada furan yihiin dalka oo dhan xafiisyadu, waxaana filayaa inaanu ku jirno Ururada ugu balaadhan marka ay noqoto dhinaca xafiis furista.” 
Dr. Xasan Gaafaadhi oo la weydiiyay xiliga ay qabanayaan shirweynaha Ururka iyo maadaama uu yahay gudoomiyaha inay hankiisa siyaasadeed ku jirto marka la gaadho doorashada madaxtooyada Somaliland inuu is sharaxayo. Haddii ay ka gudbaan tartanka Ururada, wuxuu isagoo   arrimahaa ka hadlaya yidhi,   “Gudidii qabanqaabada shirweynaha ayaanu hada diyaarinaynaa, taariikh cayiman islama aanu qaadan. Laakiin 15 April 2012, ka hor ayaa nala siiyay, gudidaa ayaa soo qorshayndoonta, waxaana  lagu khasbanyahay in mudadaa wixii ka horeeya la qabto shirweynaha.  Arrintaa is sharaxaadda  waa muddo waqti ka hadhsanyahay waxyaabo baddan ayaana is bedeli kara , Albaabku waa furanyahay, anigana waa ii furanyahay, ciddii kale ee xisbiga ku jirtana  haddii xisbi la gaadhona waa u furanyahay, mana lihi maanta waan is sharaxyaa, mana lihi  isa soo shariximaayo. Laakiin waxay ku xidhantahay hadba duruufta timaada sida ay u ekaato, haday mid I saacidaysa tahay jaanis ayaa ku jiri kara, haddii kalena cidii igaga haboon ee kale ayay noqonaysaa.” 
Gudoomiyaha RAYS , Dr. Xasan Gaafaadhi  oo ah nin aqoonayan ah oo aan  saaxada siyaasada hore ugu jirin, balse mudo dheer u shaqaynayay hay’addaha Caalamiga ah, isla markaana lagu tiriyo dadka qunayar socodka ah. Mudadii uu sida tooska ah usoo galay saaxada siyasada ee Ururkan hogaaminayayna  Ururkiisu ka mid noqday kuwa ugu cad cad oo la weydiiyay inay dad baddan isu qaban weyday qunayar socodnimadiisa iyo sida xawaaraha ah ee Ururkiisu u soconayo iyo wuxuu kaga jawaabayo isweydiintaa yidhi,   “Haddii ay dadku qiimyeen oo sidaa u qiimyeen anigu waxba ka odhnayn maayo, balse waxaanu  waddanaa  keliya qorshihii aanu ugu talagalay  Ururkayaga ku   kaxayno, kaas ayaanu  fulinaynaa, haddii uu xawli ku socnayo iyo haddii uu gaabunayiba waa mid aanu isla qaadanay aniga iyo dadka kale ee Ururka ku jiraa. Sidii aanu ugu talo galayna waanu u fuiinaynaa, waxaana is leenahay sidii idiinku haboonayd ee idin anfacaysay ayaa u wadaan.”  Ayuu yidhi  Dr. Gaafaadhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *