“ Waxaanu go’aansanay inaanu Hoolka ay ku shirayaan isku  Wareejino.” Sarkaal ka Tirsan Ciidanka qaranka Somaliland

Hargeysa(ANN) Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa u muuqda xilligan inay dalka dib uga bilaabeen muran siyaasadeed iyo kala qaybsanaan la kowsatay xukuumadda cusub iyo xili loo kordhiyay mudada. Kadib markii ay dhamaatay mudadii dastuuriga ahayd ee gollaha oo ahayd

shan sannadood. Mooshinadaa  oo ah kuwo  si weyn bulshadu uga biyo diiday ayaa todobaadyadii u danbeeyay ka socday gollaha wakiilada, kuwaas oo dadka xusuusiyay murannadii siyaasadeed ee sababay inay ku nafwaayaan dhawr qof oo shacab ah 2009, isla markaana halis geliyey qarannimada Somaliland wax yar ka hor doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay shan bilood ka hor.
Mooshinnada xilligan ee aan si cad looga warhayn macnaha ka dambeeya oo ay dabada ka riixayaan xildhibaanno badankoodu ku kala abtirsada xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE iyo xisbiga mucaaradka ah ee UCID, balse la rumaysan yahay inay si weyn daaha daadiisa uga riixayaan siyaasiyiin ku abtirsada xisbiga UDUB, iyo shaqsiyaad ka baxsan xayndaabka siyaasada Somaliland oo ujeedooyin fog ka leh abuurista khilaaf xiligan laga sameeyo gollaha wakiilada Somaliland,  kuwaas oo la rumaysan yahay inay  keeni karaan  muranno siyaasadeed oo la mid ah kuwii ay muddo-xileedkoodii shanta sannadood ahaa ku soo dhammaysteen oo xiligaa khatar geliyay qarinimada Somaliland
Dhaq-dhaqaaqa Mooshinka xiligan sida weyn looga werwer qabo ayaa kusoo beegmay maalmo yar ka dib markii ay koox mudanayaal ah ku meel-marsadeen mushahar-kordhis aan loo miidaan dayin oo maskax-faar ku ridday shacabka Somaliland, maalin kadibna miiska soo dhigay mid kale oo ay ku doonayaan inay maamulka golaha kula wareegaan si ay awoodda Golaha Wakiillada ugu fushadaan muraado aan weli caddayn oo ujeeddadooda mugdi ku jiro.
Koox mudanayaal ah ayaa maalintii shalay ku qabtay xarunta gollahaa shirjaraaid oo ay ku sheegayaan in aanay ujeedadoodu ahayn in la minja xaabiyo xukuumadda cusub, balse ay doonayaan inay hawlohooda qabsadaan golle ahaan, balse waxa jira kulamo hoose oo ilaa labadii maalmood ee u danbeeyay socday iyo kaanbayno si weyn u muuqda oo kooxda wadata mooshinka lagu bedelayo xeer hoosaadka goluhu wadeen, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan wadahadlo iyo kulamo u socday Gudoomiyaha gollaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo mudanayaasha dabada ka wada mooshinka. Laakiin sida ay sheegayaan xogaha kasoo baxay kulamadaa ayaan ilaa hada noqon kuwo lagu gaadhay go’aan lagu joojinayo mooshinkaa.
Iyadoo ay wararkii ugu danbeeyay ee saacadihii lasoo dhaafay laga helay kulamada dhinacayadaasu sheegayaan in aan wax xal ah laga gaadhin in la hakiyo mooshinkaa la doonayo in lagu bedelo shirgudoonka gollaha wakiilada oo iyagu xiligan Gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisii koowaad ku maqan safar dalka debediisa ah. Wararka qaar ayaa sheegaya inay kooxdii dabada ka waday mooshinka gollaha horyaal xalay mar kale dib isu urursadeen iyagoo gacan dhaqaale ka helay meelo kale, isla markaana doonaya inay maalinta Axada ee fooda inagu soo haysa iyagoo dhamaystiran tiradii looga baahnaa gollaha yimaadaan si ay u meel mariyaan mooshinkaa.
Kooxda dabada ka wada mooshinaka lagu bedelayo shirgudoonka ayaa wararka iyo tibaaxaha sida hoose uga soo baxayaa sheegayaan in hadda laga leexiyay dhawr xubnood oo uu hormood u yahay hogaamiyihii kooxdaa  Normal 0 false false false EN-US X-NONE AR-SA /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:”Times New Roman”; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:Arial; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;} Xildhibaan Maxamed Cali (Obama) oo lagu tilmaamo xildhibaanka ugu lacagta badan, balse ilaa xalay waxa soo baxayay inay kooxda xildhibaanada ah oo uu mayalka u qabtay  Xildhibaan Khadar Ambaassador oo gacan ka helaya wasiirkii hore ee Maaliyada Cawil Cali Ducaale dib u abaabulay kooxdaa mudanayaasha si aan loo kala fur-furin ilaa la gaadhayo maalinta Axada ee fooda inagu soo haysa oo loo balansan yahay fadhigaa gollaha.  
Dhinaca kale bulshada ayaa si weyn uga muujisay dareen cadho ah qorshayaasha iyo mooshinada mudooyinkii u danbeeyay ka socday gollaha, kuwaas oo ka bixiyay dareeno cadho ah oo ay ku diidan yihiin, “waxa nasiibdaro ah inay gollihii wakiilada ee aanu ina rayaale uga hiilinay sidan u dhaqmaan durba iyagoo mudadoodii sharciga ahayd ee shanta sanadood oo aany waxba qaban dhamaatay.” Sidaa wax yidhi mid ka mid ah shacbiga Magaalada Hargeysa oo dareenkiisa cabiraya.

 

“Maxaad wax uga qori weydeen (Saxaafada),  Nimankan lacagta isu kordhiyay ee wakiilada, guryohooda ayaanu ugu dhacaynaa.” Sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah ciidanka Bilayska Somaliland oo muujinaya sida ay uga cadhaysan yihiin talaabooyinka ay qaadeen ee moo shinka  ay mushaharootinka ku kordhisteen.
Sidoo kale sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka ee jiida hore oo dareenkiisa cabiraya ayaa yidhi, “waxaanu maalin dhowayd go’aansanay inaanu hoolka ay ku shirayaan isweer ka qabano oo xidh-xidhno, laakiin waxaanu kaga baaqanay xaalado kale.”
Mudanayaasha Golaha wakiilada ayaa todobaadyadii u danbeeyay ku jiray mooshino si weyn u kala qaybiyay mudanayaasha, isla markaana abuuray muran iyo khilaaf siyaasadeed oo mar kale Bulshada xusuusiyay waxyaabihii dhacayay dhamaadkii Oct- Sep, 2009, xiligaa oo ay gollaha horyaaleen mooshino muran iyo khilaaf abuuray oo iska soo horjeeda, taas oo keentay inay xukuumaddii Madaxweyne Rayaale albaabada u laabto xarunta gollaha wakiilada, balse ay kumanaan shacabka Hargeysa oo ka cadhaysan Talaabada ay ciidanka amaanku Salaasadii Sep, 8, 2009, ku fuliyeen gollaha sameeyeen mudaharaadyo lagu diidan yahay talaabadaa, taas oo sababtay  inay salaasadii Sep, 8  2009, ku nafwayaan kacdoonadaa dhalinayaro si weyn uga cadhaysnaa talabaada xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ku qaaday gollaha.
Golaha Wakiillada oo muddadii shanta sannadood ahayd ee la soo doortay oo ku ekayd 29-kii bishii October ee la soo dhaafay ku dhammaystay muran iyo dagaal siyaasadeed dalka ruxay, ayaa markale geed dheer ku laalay rajadii waxqabad ee shacabka soo doortay ka sugayeen, kadib markii ay fursaddii muddo-kordhineed ee la siiyey oo la filayay inay la yimaadaan waxqabad iyo horumar, isla marakaana  ay dadkooda iyo dalkooda u adeegsadeen, balse ay taa bedelkeeda  danahooda gaar ahaaneed iyo inay waddanka ka aloosaan murannadii xanafta lahaa dib u soo celiyay. Balse waxa muuqata cabsi weyn oo laga qabo talaabooyinka ay xiligan wadaan iyo ujeedooyinka rasmiga ah ee ka danbeeya oo keeni kara kharat siyaasadeed oo lagu minja xaabiyo qaranimada Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee waxa si weyn shacbigu indhaha ugu hayaan maalmaha soo socda sida ay yeelaan kooxaha wada mooshinka xiligan, iyadoo ay maalintii shalay dhismaha xarunta golla wakiilada kasoo xaadireen dad shacab ah oo u muuqday kuwo ka cadhaysan talaabooyinka ay wadaan mudooyinkan gollaha, balse waxay la kulmeen iyadoo aanu jirin wax fadhi ah oo ay khamiistii lahaayeen golluhu.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *