UkHatgeysa(Araweelo News Network)Wafti ka socda xukuumadda Somaliland oo isugu jira Wasiiro, wasiir ku xiggeeno, agaasimayaal iyo saraakiil ka tirsan Hay’addaha dawlada oo hore

 

Madaxweyne Siilaanyo ugu magcaabay qiimaynta iyo dib u habaynta dhaqaallaha dawlada ayaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay kulan kula lahaa dalka Ethiopia madaxda Hay’adda horrumarinta ee Ingriiska (DFID), Bangiga Aduunka, Midowga Yurub, hay’adda Barnaamijyada horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), khubaro ka socda Machadka Caalamiga ah ee Maamulka Dawladda Ingriiska, iyo la-taliyaha Wasiirka Qorshaynta oo iyagu lahaa haggidda shirkaa  ayaa soo saaray qodobo ka kooban Lix qodob oo la xidhiidhia kulankooda .
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu sharaxay qodobadaa oo lasoo mariyay Madaxtooyadda Somaliland, waxaana lagu yidhi qodobada iyo qoraalka kasoo baxay shirkaa sidan: “Wefdi kooban Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Wasiiru-dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare,
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyoTacliinta Sare, Agaasimaha Madaxtooyada JSL, Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Maamul Wanaagga  ahna ku simaha Guddoomiyaha Guud.
MaxadkaTababarka Shaqaalaha, agaasimeyaasha waaxaha Qorshaynta ee wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga, iyo madaxa barnaamijka dib u habaynta maaliyadda dawladda Somaliland ayaa shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia muddadii u dhaxaysay 10-13 February 2014.
shirkaas oo ay kala soo qaybgaleen madax ka socota hay’adda horrumarinta ee Ingriiska (DFID), Bangiga Aduunka, Midowga Yurub, hay’adda Barnaamijyada horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), khubaro ka socda Machadka Caalamiga ah ee Maamulka Dawladda Ingriiska, iyo la-taliyaha Wasiirka Qorshaynta oo iyagu lahaa haggidda shirka.
waxana Shirkan Abaabulkiisa lahaa hay’adda Horumarinta ee Ingriiska (DFID), ujeedadiisuna waxay ahayd sidii loo dardargelin lahaa dib u habaynta shaqaalaha dawladda.

Shirka oo socdey saddex maalmood 10-12 ka bishan waxaa dood badan laga galay sidii loo dardargelin lahaa tayeynta shaqaalaha hay’adaha dawladda, waxaana laysla qaatay qodobadan:-
1.    In guddidii madaxweynuhu hore ugu magacaabay dib u habaynta shaqaalaha dawladda loo sameeyo xoghayn fulisa hawl maalmeedka guddida.
2.    In la sameeyo guddi guud oo xidhiidhisa barnaamijyada dib u habayneed ee ka socda qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda.
3.    In la fuliyo xeerka shaqaalaha dawladda god-daloolooyinka uu leeyahayna dib u eegis lagu sameeyo. Dib u habayntaa oo hay’adda shaqaaluhu soo curin-doonto.
4.    In muddada lagu jiro dib u eegista xeerkana, xeer madaxweyne lagu sii daboolo god-doloolooyinkiisa.
5.    In tababar loo sameeyo shaqaalaha dawladda, madax iyo minjaba, arrinkaas oo loo xilsaaray maxadkaTababarka Shaqaalaha dawlada
6.    In la sameeyo Guddi ku meelgaadh ah oo loo xilsaaray meelmarinta go’aamadii ka soo baxay shirkan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *