Madaxweynaha Somalia Oo Beeniyay Wararka Sheegayay Geeridiisa Amarna Ku Bixiyay In Tallaabo Laga Qaado Kuwii Faafiyay WarkaaAnkara(Arraweelo News)Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud (Xasan Gur-guurte) ayaa sheegay in uu noolyahay oo xaalad baadhis caafimaad iyo booqashada qoyskiisa u joogo

 

dalka Turkig. Kadib markii shalay ay soo baxeen warar sheegaya in uu geeriyooday, kuwaas oo ay beeniyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa oo ku sugan Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin cod ah ku baahiyey xalay warbaahinta dawladdiisu maamusho, waxa uu sheegay inuu aad u caafimaad qabo, waxaannu shacabka ka codsaday in aanay dhegta u dhigin wararka la xidhiidha dhimashadiisa oo uu ku eedeeyay in ay faafintiinsa ka danbeeyeen Al-shabaab iyo cadawga u adeega argagixisada.

“Waa cadow ummadda Soomaaliyeed ku dhex jira oo dadka warka been-abuurka ah ku faafiyay. Shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-shabaab,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya, waxaannu hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay baadhitaan iyo dabagal ku sameeyaan dadka ka dambeeyey wararka la xidhiidha in madaxweynuhu ku geeriyooday dalka Turkiga.

Wuxuuna fariintaa codka ah oo laga dareemayay inuu ka muuqdo xanaaq amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado dadkii faafiyay warka sheegayay geeridiisa, taas oo sida muuqatay aanay jirin cid si gaar ah loogu eedayn karayay, balse Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay keliya in ay faafiyeen warkaa shaqsiyaad u adeega Al-shabaab iyo Argagixisada oo aanu xusin kuwa ay yihiin iyo inay qaar xukuumaddiisa ka tirsan yihiin.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Soomaaliya iyo masuuliyiin marar kala duwan warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay war lagu beeniyey geerida Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii warkaasi aad ugu faafay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, isla markaana lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka, iyadoo madaxtooyada iyo masuuliyiinta kaleba sheegeen in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu aad u fiican tahay, balse ma jiraan ilaa hadda warar madaxbannaan oo si cad u qeexaya xaaladda dhabta ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo muddo maalmo ah xaalad caafimaad u jooga dalka Turkiga, marka laga reebo fariinta codka ah ee lagu faafiyay warbaahinta dawlada Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *