Sanca(Araweelo News Network)Dagaal saacado qaatay ayaa ku dhexmaray Ciidamada amaanka dalka Yaman iyo koox hubaysan oo ka tirsan Alqaacidda  wadamada Jaziiradda Carabta ee

dagaalanta dalka Yaman, kuwaas oo ku guulaystay in ay  fuliyaan howlgal ay kusoo furteen maxaabiisa ku jiray xabsiga oo ka tirsan Al-qaidada Yaman.
Dagaalka ayaa socday saacado, waxaana u suurtagashay kooxda weerarka soo qaaday in ay gacanta ku dhigaan inta badan xabsiga, taas oo suurta gelisay in ay kala baxaan xabsiga 21 maxbuus oo qaarkood ahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Qa’ida oo ay dawlada Yaman hore u xidhay.
Taliyaha ciidanka Booliska ee magaalada Sanca oo ah caasimada dalka Yaman ayaa qiray in dagaal saacado socday ka dib ay kooxda weerarka soo qaaday kaxaysteen maxaabiis uu tiradooda ku sheegay 21, kuwaas oo aan la ogayn halka ay u kaxaysteen.
warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda ay xakameeyeen xaaladda xabsiga dhexe balse wuxuu qiray in xoogaga weerarka qaaday ay kaxaysteen 21 Maxbuus.
Maaha markii ugu horaysay ee koox hubaysan oo ka tirsan Al-Qa’ida Yaman weerar sidan oo kale ku qaadaan xabsiyada dalka Yaman oo ay kala baxaan Maxaabiis ka tirsan Ururkooda oo ku xidhan. Sidoo kale weeraro qaraxyo iyo dilal qorshaysan ayaa inta badan ka dhaca dalka Yaman, kuwaas oo lala xidhiidhiyo in ay fuliyaan kooxo ka tirsan Al-Qa’idada Jasriida carabta ee ka dagaalanta halkaa.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *