Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filyaa inuu safar ugu baxo maalmaha soo socda dalka Kenya. Sidaana waxa shaaca ka qaaday  Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo maanta

 

u kicitimay dalka Kenya.
Wasiirka Madaxtooyadda oo maanta ka dhoofay madaarka Berbera, ayaa  saxaafada u sheegay in ujeedada socdaalkiisa  gogol xaadh u yahay wefti uu Hoggaamin doono Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) maalmaha soo socda , isagoo xusay  inuu madaxweynuhu martiqaad ka helay Raysal wasaaraha Kenya Railla Odinga.
Ma cada ujeedada safarka Madaxweynaha Somaliland iyo safarka gogol xaadhka ah ee Wasiirka madaxtooyada, balse  wasiirka ayaa tibaaxay in  Socdaalka Madaxweynaha ee Kenya uu qeyb ka yahay iskaashiga ay Somaliland la leedahay dalalka gobolka iyo mandaqadda Geeska Afrika, kaas oo sida uu sheegay ay Somaliland iyo Kenya ka wada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal, isla markaana ay Somaliland ay wadammadda gobolka ugala shaqayn lahayd dhinacyada nabadgelyadda iyo horumarkaba.
Raysal wasaaraha Kenya, ayaa hore  ugu  fidiyay Madaxweynaha Somaliland marti qaad rasmi ah. laakiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa dib uga dhacay safar uu hore ugu tegi lahaa Dalka Kenya, waxaana safarka waqtigan ee Kenya qayb  ka yahay  qorshe ay Somaliland dedaal ugu jirto inay xubin sharafeed ka noqoto Urur-goboleedka IGAD oo la xidhiidha dalab sanado baddan ay ku doonaysay sidii ay xubin uga noqon lahayd urur-goboleedkaa, kaas oo hada la aqbalay sida uu todobaadkii hore sheegay Wasiirka arrimaha debeda Somaliland.
Dhinaca kale socdaalka Wasiirku ayaa kusoo beegmay,  iyadoo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)  iyo wefdi uu hoggaaminayaa ay booqasho ku joogaan dalka Djibouti, balse socdaalka Madaxweyne xigeenka oo lagu sheegay mid shaqo, ayaa wararka shebekadda Araweelonews ka heshay dhinaca dalka Djibouti sheegayaan inuu yahay mid la xidhiidho arrimo qoyskiisa ah, kaas oo Madaxweyne xigeenka Somaliland ku bixinayo gabadh uu Adeer u yahay oo qoyska Raysal Waasaraha Djibouti Dilayta Maxamed Dillayta oo casuumada u fidiyay ka dooneen gabdhaa, taas oo Aabeheed  shuruud kaga dhigay inuu bixiyo Madaxweyne xigeenka Somaliland oo adeerkeed ah, isla makaana lagu bixinayo huteelka weyn ee kanbesi oo ku yaaAraweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.comla badda.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *