Ankara(ANN)Labada Dawladood ee Somaliland iyo  Soomaaliya ayaa saxeexday heshiis ka kooban 7 qodob, kaas oo ka danbeeyay wadahadalo

 

mudo sadex maalmood ah uga socday dalka Turkiga.
Aqalka madaxtooyadda ee dawladda Turkiga ayay labada dhinac Caawa caweyskii ku kala saxeexeen heshiiskaa oo ay soo diyaariyeen Gudiyadii farsamo oo labada dhinac iska saareen, mudadii ay tan iyo  Khamiistii magaalada Istanbul ku lahaayeenwadahadalada.

Raysal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa goob jog ka ahaa heshiiska, iyadoo  ay madasha fadhiyeen  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wufuudii ay kala hoggaaminayeen.

Labada dhinac Heshiiska waxa u kala saxeexay  dhinaca Somaliland Wasiirka Arrimaha debeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, dhinaca  Soomaaliyana waxa u saxeexay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariim Guuleed oo labadooduba kala hoggaaminayay Gudiyadii  farsamo ee loo saaray wadahadalada labada dhinac.

Qodobada  labada dhinac Somaliland iyo Somalia kala saxeexdeen ayaa  dhignaa sidan:-

1-    Qodobka koowaad waxa uu dhigayay sii wadida wada hadaladii labada dal u socday.

2-    Iyadoo laga duulayo  Baaqii  lagu aqbalay Chevening House London  21 Jun 2012 iyo 28 Jun heshiiskii loo Dubai Statetmant ee ay wada saxeexeen labada dal.

3-    Qodobka sadexaad waxa uu dhigayay in Somaliland iyo Soomaaliya ay wada hadalka sii wadaan, iyadoo ay beesha caalamkuna ka caawin doonto xagga farsamada iyo wixii loo baahdo.

4-    in deeqaha Soomaaliya la siiyo ay wadaagaan labada dhinacba ayna ka wada faa’iidaystaan si loo sameeyo horumar.
5-    labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ka wada shaqeeyaan in labada dhinac iska kaashadaan nabad-gelyadda, Mukhaabaraadka (wardoonka), Tababarada, Kaalmada Waxbarashada dibeda, si ay u helaan khibrad lagula dagaalamo, aragagixisada, xagjirka, Budhacada Baddaha, Kaluumaysiga sharcidarada ah, Sunta Badda lagu daadiyo iyo ilaalinta denbiyada baddaha iyo denbiyada khatarta ah.  

6- waa in muddo 90 maalmood gudahood ah lagu qabto kulan kale oo ay labada dal yeelan doonaan oo la xidhidha  si looga wada hadlo arrimaha kulankan lagu lafo-guri kari waayay, kaas  oo lagu qabto magaalada Istanbuul.

7-    labada dhinacba waa in ay joojiyaan hadalada kala fogeyn kara labada dal, ama wax u dhimi kara wada hadalada ee carqaladaynaya, waana inay labada dhinac ka fiirsadaan luqada ay adeegsanayaan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kadib  markii heshiiska Somaliland iyo Soomaaliya caawa la kala saxeexday ka hadlay, isagoo yidhi, “Waxa heshiiskan looga wada shaqaynayaa sidii kuwii horeba looga wada shaqaynayay. Waxa laga wada shaqaynayaa wixii danaha maslaxada mandaqada ku saabsan sida budhcad badeeda iyo wixii waxyeelaya in lala wada dagaalamo oo meel looga soo wada jeedsado ayaa loo baahan yahay,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo u waramayay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da.

Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal ahayd waxa faa’iido ah ee ugu jirta Somaliland wada hadaladan maadaama oo aan kulankii sadexaad Somaliland iyo Soomaaliya lagu soo qaadin qadiyada Somaliland, waxaanu madaxweynuhu yidhi “Faa’iidada ugu jirtaa Somaliland waxa weeye caalamkii ayaa Somaliland mowqifkeeda ogaanaya, waxaanay mar walba fursad u helaysaa inay u cadayso mowqifka ay taagan tahay oo aan ahayn mid is bedelaya
Waxay cadaynaysaa Somaliland inay ku adag tahay,kuna dagaalamayso inay madax-banaanideeda hesho, balse ay diyaar u tahay wax wada qabsi iyo wixii mandaqadda maslaxad u ah iyo labada dalba  meel looga soo wada jeedsto, sida budhcad badeedda iyo wixii la mid ah,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *