Hargeysa(ANN)Golaha Deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa u doortay Maayar cusub Cabdiraxmaan Maxamuud

Caydiid (Cabdiraxmaan Soltelco). Ka dib markii uu todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Dubia Maayarkii Hore Marxuum Eng. Yuusuf Warsame Siciid.

Golaha Deegaanka Hargeysa Fadhi ay ku yeesheen hoolka shirarka ee D/Hoose ee Hargeysa waxa ka soo qeyb galay 24 xildhibaan, iyadoo uu dhinaca kalena buuxiyay  xubinimadii  Xildhibaanka Geeriyooday ee Mayarkii hore, kaas oo uu bedelay  Xildhibaan Xassan Shahar  oo ah xubintii ugu soo xigtay xagga codadka xisbiga Kulmiye.

Fadhigan oo uu Guddoominayay Maayar Ku xigeenka ahna Ku simaha Maayarka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed (Cagaweyne), waxa cod aqlabiyad ah loogu Doortay Maayarka cusub oo aanay jirin cid kula tartantay, waxaana u codeeyay 23 Xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn. Waxa madasha ka maqnaa hal xildhibaan.

Maayarka cusub Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa mudaneyaasha Golaha deegaanka uga mahad celiyay kalsoonida ay siiyeen waxaanu balan qaaday in xilka ay saareen uu uga soo dhalaali doono si karti iyo wadaniyad leh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeniyare) ayaa bogaadiyay hanaanka degan ee golaha deegaanka Hargeysa ay ugu midoobeen inay doortaan maayarkii bedeli lahaa Maayarkii geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum- Yuusuf Warsame Siciid.

Maayarka cusubi waxa uu ka soo jeedaa xisbiga tallada haya ee KULMIYE, waxaanu ka mid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay dhinaca codadkii doorashadii 2012 ee kal hore.

Maayarka Cusub C/raxmaan SOLTELCO, wuxuu ka mid yahay dhalinyarada ugu caansan Magaalada Hargeysa, isla markaana waxa lagu tilmaamaa nin firfircoon oo deganaansho iyo dabeecad wanaag lagu majeerto, balse waxa horyaala mashaakilaad badan oo la filayay inay golaha deegaanku wax ka qabtaan, kuwaas oo aan waxba iska bedelin tan iyo markii ay xubnaha golaha deegaanka cusubi xilka la wareegeen, iyadoo uu dhowaan geeriyooday Maayarkii ugu cuslaa xubnaha golaha deegaanka Hargeysa oo rajo weyn laga qabay inuu wax badan ka qabto mushkiladahaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *