Somali ve Somaliland Cumhurbaşkanları AnkaradaAnkara(ANN)Kulan albaabada loo xidhay oo qaatay saacado ayaa dhexmaray markii u horaysay Labada Madaxweyne ee Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynaha Somalia

 

Xasan Sheekh. Kulankaa oo ka dhacay xarunta wasaarada arrimaha debeda Turkiga, waxa labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia ku weheliyay oo keliya Wasiirka Arrimaha debeda Turkiga Ahmed Davutoglu oo fududaynayay sidii ay wadahadaladu u socon lahaayeen.

 

Wasiirka Arrimaha Debeda Turkiga  Mr. Davutoglu, ayaa markaa ka dib labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia u kexeeyay qasriga Madaxtooyada  oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül iyo Raysal wasaaea Recep Tayyip Erdogan.

SOMALİ VE SOMALİLAND CUMHURBAŞKANLARI ANKARA’DA

Sida ay sheegayaan warar dhinacfa dublamaasiyada iyo warbaahinta dalk Turkiga laga soo xigtay, waxa goob jog ka noqonaya si loo soo wada saaro qodobada lagu heshiiyay raysal wasaaraha Turkiga oo ku wehelinaya labada Madaxweyne waxyaabihii ay labada gudi ee labada dhinac isla meel dhigeen iyo wixii qodobo ah ee lagu kordhin karo.

Si markaa ka dib saacadaha soo socda heshiis wadajir ah oo ka turjumaya qodobadii lagu heshiiyay warbaahinta loogu qaybiyo, taas oo uu goob jog ka noqonayo heshiiskaa Raysal wasaaraha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan oo warbaahinta u sheegay in lasii wadayo wadahadalada mustaqbalka ilaa xal laga gaadhayo.

Dla filayaa inay labada dhinac soo adaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta kulan fool-ka fool ah ku kulmay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, kuwaasi oo ka wada hadlaya mustaqbalkooda, maadama dawladiisu marti gelisay wadahadaladaa oo daba socday July Dubai Statement ee ay Madaxweynah Somaliland iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif wadajirka u wada saxeexeen, taas oo ka dhalatay qodobadii kasoo baxay shirkii Beesha Caalamka ee London 23 Feb 2012..

 

 

Kulamada socday sadexda Maalmood ee labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia waxay wararka hordhaca ah sheegayaan in ay ka  Wada hadaleen labada dhinac iskaashiga nabad-gelyada, qeybsiga deeqaha iyo in mabda’ ahaan in la sii wado wada xaajoodka labada geesood, balse qodobka ugu weyn ee lays weydiinayo oo ah mawqifka Aqoonsiga Somaliland iyo inay la noqotay Madaxbanaanideedii ay la midawday Somalia 1960, markii ay qaadatay gobonimadeeda oo ay sodon sanadood ka dib 1991 noqotay qaran  madaxbanaanidiisa lasoo noqday, haanata aanay midnimo danbe diyaar u ahayn iyo dooda dhinaca dawlada Somalia ee ah in Somaliland lagala hadlo inay mar kale midoobaan Somalia ayaa noqday qodobka ugu xaasaasi-san ee si weyn loogu dheg taagyo in laysla soo qaaday iyo kale, balse waxa xoggaha hoose sheegayaan in aan qodobkaa lagu soo qaadayn ajandaha waqtigan, waxaana qodobada lagu heshiiyay la filayaa saacadaha soo socda inay labada dhinac wadjir usoo saran ilaa caawa, iyadoo qodobadaa si weyn dhinaca Somaliland iyo wadamada daneeya arrimaha Somalia indhaha ugu hayaan.

Si kastaba ha ahaatee waxa la eegaya waxa kasoo baxa wadahadaladaa iyo qodobada lagu xuso in si rasmi ah laysula qaatay.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *