London(ANN) Wadahadaladii Somaliland iyo Somalia ee ka socday dhismaha  lagu magcaabo Chevering House oo  ku yaal Kaynta duleedka London oo ah goob uu ku nasto  Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, ayaa lasoo gebabeeyay maanta, waxayna labada dhinac soo saareen

 

oo halkaa lagaga dhawaaqay in lagu heshiiyay qodobo sideed ah oo laga wada hadlay.
Labada dhinac oo ay kala hogaaminayeen wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/samad Macallin Max’ud iyo wasiirka arrimaha debadda Somaliland Max’ed C/llaahi Cumar ayaa wada hadalladii dhexmaray ku tmaamay kuwa horudhac ah oo la isku afgartay, iyagoo saxaafada la hadlay markii uu dhamaaday kulankaa oo laba maalmood socday.
Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah: In labada Madaxweyne ee dowladda KMG ah iyo Somaliland dhowaan kulmaan, si ay usii dhaqaajiyaan waxyaabaha kulankaa lagaga  wada hadlay iyo waxa la qaban doono xilliyada soo socda, balse kulankaa labada Madaxweyne ayaa si rasmi ah loo cayimin meesha uu ka dhacayo, waxaase la filayaa in la kala doorto dalalka Qadar, Imaraadka Carabta iyo  Switzerland.
War murtiyeedka ay labada dhinac soo wada saareen, waxa kaloo lagu xusay in lagu heshiiyay in wadahadalla dowladda labada dawladood ee Somaliland  iyo Soomaaliya ay sii socdaan  haddii dowlad cusubi badesho dowladda KMG ah ee haatan ka jirta Soomaaliya oo waqtigeedu geba-geba yahay.
Sidoo kale waxa kaloo qodobada  labada dhinaca ku heshiiyeen lagu xusay inay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada, budhcad badeedda iyo kooxaha badaha Soomaaliya ku shuba suntan, ama wasakhda warshadaha kasoo hadha.
Waxa kale lagu heeshiiyay  in khubaro xagga qaanuunka, dhaqaalaha iyo amaanka ah labada dhinac u yeedhtaan si ay ugala tashadaan arrimahaa.
Wafdiga labada dhinac ayaa beesha caalamka u sheegay iney gacan ka geysan doonaan sida ay uga   wada shaqey doonaan Caawimooyinka la gaadhsiiyo  dadka bulshada Soomaalida  ah ee tabaaleysan, iyagoo caalamkana ka codsaday iney kaalamadaas balaadhiyaan.
Labada dhianca sidoo kale waxey ku heshiiyeen in xillaga KMG ah ee dalka Soomaaliya laga gudbo oo loo gudbo dowlad rasmi ah. iyo in labada dal xagaajiyaan isu socodka xuduudaha mustaqbalka labada dal.
Qodobka ugu xaasaasisan ee la filayay in kulankaa lagu soo qaado ayaa ahaa aqoonsiga Somaliland, balse  si toos ah looma  soo hadal qaadin in Somaliland dib ugu soo biirto Soomaaliya,  ama ay ka go’do, waxaana wasiirka arrimaha debadda Somaliland Max’ed C/llaahi Cumar oo su’aashaas la weydiiyay sheegay in waxa laga hadlayay aanay  ku jirin madax banaanida Somaliland oo uu sheegay in aanay  gorgortan ku jirin.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/samad Macallin Max’ud oo dhiniciisa  arrintaa ka hadlay ayaa sheegay in qodobkaasi yahay mid lagu kala aragti duwan yahay, hase ahaatee wuxuu tilmaamay in arrintaa  lagaga  hadli doono gebagebada wada hadalada danbe ee loo balamay. Sidaa darteed aanay  ahayn in lagu soo qaado bilawga wada hadalka oo uu sheegay inuu ku dhamaaday guul.
Kulankan maanta lagu sooo gebagebeeyay magaalada London ee dalka Britain oo ay dabada ka riixayeen hormoodka dalalka  beesha  caalamka ugu waaweyn,   waxa  marti geliyey dowladda Brtain oo weheliyeen  dalka Norway iyo Midowga Yurub, waxaana qabsoomidiisu ka dhalatay baaq beesha caalamku kasoo jeedisay shirkii arrimaha Soomaalida ee 23-kii Febaraayo ka dhacay dalka Ingiriiska.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *