Jig-jiga(ANN)Ismaamulka Kililka Shanaad ee Soomaalida Ethiopia, ayaa xoriyadoodii usoo celisay  43 qof oo kasoo jeeda deegaanka Bali-gubadle, isla markaana maxkamad ku taala Jig-jiga ay xukuno u dhexeeya 15 ilaa 25 sandood  ku riday   03 November 2011. Kadib markii dagaal ku

 

dhexmaray deegaanka Yoocaale dad xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda deegaanka Bali-gubadle iyo kuwo kasoo jeeda Qabribayax.
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar, ayaa maanta  shaaciyay inuu cafis u fidiyay 43-kaa mudo  ku dhow  sideed bilood ku xidhnaa xabsiga  Jig-jiga.
Sida ay sheegayaan wararka laga soo xigtay saraakiisha maamulka Kililka shanaad ee Ethiopia, ayaa sheegay inuu cafiska loo fidiyay dadkaasi ka danbeeyay wadahadalo dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo Maamulka Kililka shanaad, isla markaana  waxa sii deynta dadkaa qayb ka ahaa salaadiin iyo waxgarad kasoo jeeda deegaamada labada dhinac.
Sidoo kale dawladda Federaalka ee Ethiopia, ayaa kaalin weyn ka qaadatay sii deynta dadkaa xoolo dhaqatada ah ee xoriyadooda loo soo celiyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *