Hargeysa (ANN ) Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa dhegeysatay maanta dacwada  Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow  dacwadiisu  dib uga  bilaabantay Maxkamadda Isniintii lasoo dhaafay. kadib markii uu mudo afar bilood ah ku xidhnaa xukun la’aan xabsiga dhexe

ee Hargeysa.
Amaanka Maxkamadda ayaa aad loo adkeeyay saaka xili hore, waxaana loo diiday saxaafada inay dhegeysato dacwadaa oo xeer Ilaalinta laga sugayay inay Maxkamadda hor keenaan markhaatiyo ku filan, balse sida ay dad goob joog ahi u sheegeen ,  waxay dacwad oogayaasha Xeer Ilaalintu ku guuldaraysteen inay saaka maxkamadda horteeda keenaan Markhaatiyo ku filan, iyadoo  ay kasoo xaadireen Maxkamadda Taliyaha laanta baadhista denbiyada ee CID, Daahir Muuse Abaraab iyo sarkaal ka tirsan Baadhayaasha xarunta CID, kuwaas oo maxkamadda keenay waxyaabo ku qornaa Joornaal, kuwaas oo Maxkamaddu u aragtay inaanay noqon karin cadaymo ku filan kiiska loo haysto Boqor Cismaan Buur-madaw.
Warku wuxuu intaa ku daray in Garsooraha dacwadaa qaadayay weydiiyay Boqor Cismaan waxa lagu eedaynayo, taas oo kaga  jawaabay  inaanu qabin eedahaa, isla markaana uu ka dalbaday Maxkamadda in mudada dheer ee uu xidhnaa aan wax denbi ah loo haysan. Sidaa awgeed haddii ay xukuumadu hayso denbi uu galay ay kusoo cadayso.
Dhinaca kale  Qareenada U doodayay Boqor Cismaan oo haa Garyaqaan Barkhad Iyo Maxamed Faarax, ayaa ku dooday inay maxkamaddu go’aan ka gaadho dacwadaa oo mudo soo jiitamaysay, isla markaana aanay jirin wax denbi ah oo uu galay Boqor Cismaan. Sidaa awgeed ay Maxkamaddu go’aan ka gaadho, maadaama ay xeer Ilaalintu weyday wax markhaati ah oo ay maxkamadda hor keento. Basle garsooraha dacwada qaadayay ayaa markaa ka dib ku amray dacwad oogayaasha xeer Ilaalinta inay soo dhamaystirtaan markhaatiyada ay hayaan ilaa sabtida soo socota.
Dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, ayaa dib u dhac ku yimi bishii May. Kadib markii Qareenada difaacayay ka baxeen inay difaacaan, taas oo ay ku sababeeyeen dacwad oogayaasha xeer Ilaalinta ka socday oo u hogaansami waayay go’aan garsooraha maxkamaddu ugu sheegay inay is waafajiyaan eedaha Boqor Cismaan ee dacwadaa iyo qodobada ay u cuskadeen, balse markii ay fadhigii labaad lasoo noqdeen ay ka baxeen qareenadu, iyagoo ku dooday in dacwadaa la siyaasadeeyay.
Boqor Buur-madaw, oo markaa ka dib Maxkamaddu u yeedhay, ayaa diiday bishii May ee lasoo dhaafay  inuu horyimaado, isagoo ku dooday inaanu kusoo laabanayn ee uu xabsiga ku jirayo ilaa inta uu ka arkayo maxkamad dhex dhexaad ah oo ka madax banaan siyaasada, wuxuuna ka dalbaday in xukunkiisa loogu keeno xabsiga,  balse maalmihii lasoo dhaafay, ayaa lagu qanciyay Boqor Buur-madaw inuu kusoo laabto maxkamadda, iyadoo qareeno cusub uu dalbaday,  waxaana saaka dacwada Boqor Buur-madaw dib uga bilaabanatay Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Badhatmihii May 2012, ayay ahayd markii ay  qareenada u doodayay Boqor Cismaan Buur-madaw ka baxeen  inay difaacaan  kiiskiisa, isagoo dhiniciisa sheegay  waqtigaa Boqor Buur-madaw inaanu kusoo laabanayn Maxkamadda ilaa inta uu arkayo garsoor Cadaaladda oo ka madax-banaan siyaasada,  balse garsooraha kiiskaa hayay  ayaa  fadhigii sadexaad ee dacwada mudeeyay  mar kale.  Laakiin Boqor Buur-madaw wuxuu ku adkaystay inaanu hor imanayn  maxkamadda ee ay xukunkeeda soo saarto oo uu xabsiga ku jirayo.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo mudo ku dhow Afar bilood hada ku jira xabsiga,  ayaa  ciidamo Boolis ahi ka qabteen  Badhtamihii March xili uu dalka kusoo laabanayay madaarka Hargeysa, waxaana tan iyo waqtigaa  soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha  caalami ah ee xuuquqda Aadamada ,  waxaana ugu danbeeyay baaqyada xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 81 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland  oo horaantii May  kulan ay xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *