Nairobi(ANN) Wadamada hormoodka u ahaa qorshaha la doonayay in laysku hor fadhiisyo Somaliland iyo dawladda taagta daran ee Somalia si ay mustaqbalkooda siyaasadeed iyo xidhiidhkooda uga wada hadlaan ayaa ku kala qaybsamay qorsha wadahadalkaa oo ka mid ahaa qodobadii kasoo

 

baxay  23 February ee sanadkan  shirkii London ee arrimaha Soomaalida.
Wadamada ay hormoodka u yihiin USA, Denmarka iyo Britain oo doonayay inay meel mariyaan qorshaha qodob ka mid ahaa go’aamadii kasoo baxay shirkaa oo ay labada dhinac isku soo hor fadhiistaan inta ka horaysa  dhamaadka mudada dawladda TFG ee August 2012.  Xukuumadda Somaliland  ee Madaxweyne Siilaanyo iyo  xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Sh. Shariif, waxay  mudo yar ka dib ku dhawaaqeen markii uu dhamaaday shirkaas oo ay ka qaybgaleen  gudiyo wasiiro ah, kuwaas  oo la filyay inay bishii hore kulanka ugu horeeya ku yeeshaan London, balse waxa dib u dhac iyo hakad galay kulankaa. Kadib markii ay Somaliland ka cadhootay laba xubnood oo ka mid ahaa xubnaha ay dawladda taagta daran ee Sh. Shariif usoo magcawday wadahaladaa, kuwaas oo kasoo jeeda deegaanada Bariga Somaliland.
Inaksta oo ay arrintaasi hakad gelisay qorshaha wadahadalka, hadana todobaadyadii lasoo dhaafay, ayaa mar kale ay soo baxeen warar sheegaya in xukuumadda Sh. Shariif ka noqotay magcaabista xubnaha carqalada geliyay  gogol xaadhka wadahadalada, isla markaana waxa soo baxay warar sheegaya in qorshahaa loo bedelay  inay kulmaan labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia oo ay weheliyaan midkiiba laba xubnood oo ka mid ah wasiiradiisa, kuwaas oo ay ku jiraan labada wasiir arrimo debedeed, waxaana la filayay inay labada dhinac ku kulmaan badhtamaha, ama dhamaadka bisha May London, basle waxa labadii maalmood ee u danbeeyay soo baxay warar la xidhiidha arrimahaa oo sheegaya in gebei ahaanba ay qorshaha wadahadaladii dhici lahaa ka hor inta anaay dhamaan mudada dawladda ku meel gaadhka ah ee aan la gaadhin August wax iska bedeleen, isla markaana ay dalalka Britain, Denmarka iyo USA ku kala qaybsan yihiin xiligga ay wadahadalka yeelanayaan Somaliland iyo Somalia.
Tibaaxo laga soo xigtay Dublamaasiyiin ku sugan Nairobi, ayaa u sheegay Araweelonews inay Maraykanka iyo Britain ku kala qaybsameen qorshahaa, iyadoo Washington ku dooday inay Somaliland wadahadalka la gasho xukuumadda ka danbaysa ta waqtigeedu gabaabsiga yahay ee Sh. Shariif oo mudadeedu ku  dhamaanay Augusta fooda inagu soo haysa, halka Britain iyo Denmarka ku doodayaan in  ka hor inta aan la gaadhin dhamaadka mudada xukuumadda shariif ay Somaliland yeeshaan wadahadalkii lagu go’aamiyay shirkii London.
Washington qorshaha doodeeda hada ee ah inay wadahadalada Somaliland iyo Somalia dhacaan marka la gaadho xukuumad lasoo doortay oo dhinaca Muqdisho ka timaada, ayaa ahaa mid ay marka horeba qabtay markii go’aanada  shirka London  ka dhacay 23 February lagu daray qodobkaa, taas oo ay xoghayaha arrimaha debeda Hilary Clinton ka sheegtay madasha,   balse  Britain iyo Denmarka, ayaa     ku adkaystay inay wadahadalada labada dhinac dhacaan inta ka horaysa August.
Hase yeeshee sida ay tibaaxayaan doodaha la xidhiidha arrimahaa, waxa iyana saamayn ku yeeshay qorshaha wadahadaladaa guuldaro soo waajahday qorshaha la doonayay in laga sameeyo Somalia inta aan la gaadhin August , kaas oo ay beesha caalamku ku doonaysay in la qabto shir lagu meelmaryo dastuurka Somalia, isla markaana lagu soo xulo ergooyinka dooranaya dawladda cusub, balse qorshayaashaa iyo isku dayadaa ayaa u muuqda kuwo waxba kama jiraan ah oo aan wax guullo ah laga gaadhin, isla markaana abuuray muran siyaasadeed ooh or leh,  iyadoo waqtiguna gabaabsi yahay, waxayna taasi meesha ka saartay rajadii iyo qorshihii beesha caalamka ee Somalia la doonayay in loo sameeyo dawlad lagu bedelo ta mudadeedu gebagebada tahay.
Sidaa awgeed wadamada qaarkood ayaa doonaya in mudada loo kordhiyo dawladda hada ee Sh. Shariif, iyadoo ay kuwo kalena ku doodayaan inaanay wax taageero ah siinayn haddii mudada loo kordhiyo, balse loo baahanyahay in lasoo doorto dawlad cusub oo ka timaada bulshada Somalida, taas oo ay adagtahay in la arkaa, ama ay suurta gashaa xiligan. Laakiin kala qaybsanaantaa arrimaha Somalia  iyo fashilka ku yimi beesha caalamka ayaa saamayn ku yeeshay qorshihii wadahadalka ee loo balansanaa inuu dhexmaro Somaliland iyo Somalia, taas oo ay wadamada maamula siyaasada Somalia ee maraykanka , Britain iyo Denmark ku kala qaybsameen. Sidoo kalena waxay hada beesha caalamku ku kala qaybsantahay, waxa laga yeelayo dhamaadka mudada xukuumadda ay taageerada la daba joogeen ee sh. Shariif, taas oo ku guuldaraysatay inay meel mariso qorshihii la doonayay in xal loogu helo Somalia iyo sidii dawlad ka timaada shacabka Soomaaliyeed loo helo lahaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *