Hargeysa(ANN)-qiimaha shidaalka iyo doollarka ayaa hoos u dhacay wixii ka danbeeyay tan iyo markii komishanka doorashooyinka qaranku ku dhawaaqeen natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland habeenimadii jimcihii todobaadkan ee uu ku guulaystay madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

 

 

 

Waxaana suuqyada sarifka lacagaha qalaad laga dareemayay dhaqdhaqaaq saayida, iyadoo qiimaha lacagta dollarka oo $ 100  boqolka lagu sarifayay 690.000 .s/sh, gacanta danbe uu shalay gaadhay 670, 000, halka gacanta horena qiimaha boqolka dollar ahaa 650.000.

Sidoo kale qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay, gaar ahaan Naaftada oo halkii Litir ahaa 5700, taas oo halkii litir gaadhay 5000 (shankun ) oo lacagta somaliland ah. Laakiin qiimaha Batroolka ayaa weli taagan halkiisii 5600,lacagta Somaliland.  Lama garanayo sababta qiimaha Batroolka iyo  doollarku hoos ugu dhaceen,wixii ka danbeeyay natiijadii komishanka qarnku ku dhawaaqeen habeenimadii jimcihii todobaadkan ee uu ku guulaystay madaxweynaha cusub Axmed Siilaanyo,   iyadoo aanu weli madaxweynaha cusub ee la doortay la wareegin xafiiska, balse waxa jira warar sheegaya inay tani horseed u tahay isbedelka cusub ee dalka ka dhacay, maadaama ay dadka iyo kooxaha ka ganacsada shidaalka ee uu kootada ugu xidhnaa si weyn  uga cabsi qabaan dawlada cusub ee Somaliland oo ay u qorshaysan tahay inay talaabooyinka ugu horeeya ee ay qaaday u jihayso dhinaca shidaalka, si  maceeshada iyo nolosha bulshadu ugu soo noqoto mid degan.

Shebekada wararka ee araweelonews ayaa heshay  warar tibaaxaya inay kooxda shirkada Total ee qandaraaska kootada ku haysatay Haamaha shidaalku hoos u riday shidaalka, gaar ahaan Naaftada, taas oo ujeedadeedu tahay si ay  u faaruqiyaan Haamaha shidaalka. Sidoo kale waxa soo baxaya tibaaxo iftiiminaya inay sabab u tahay qiimaha doollarka ee hoos u dhacay, iydoon madaxweynaha cusubi weli la wareegin xafiiska, isla markaana aan weli loo dhaarin xilka inay kooxda xukuumadii laga guulaystay khasnada dawlada kasoo deysay lacag khaash ah oo lacagta Somaliland ah, taas oo sida ay shebekada wararka  ee araweelo news u xaqiijiyeen  hawlwadeeno ka tirsan saraakiisha dawlada lagaga   guulaystay doorashadu doonayaan inay ku bedeshaan dollar oo ay jeebka ugu shubtaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata inay rajada iyo yididiilada shacbiga Somaliland kor u kacaday, isla markaana la saadaalinayo in madaxweynaha cusubi talaabooyin hor leh qaado marka loo dhaariyo xilka, waxaase la rumaysan yahay inay kooxda madaxweynihii laga guulaystay ay waxyaabo badan kusii fara laabi doonto ka hor inta aan xilka lagala wareegin todobaadyada soo socda.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *