images/stories/safiir cabdi dheeg.bmp London(ANN) Ergayga citiraaf raadinta Somaliland C/kariim Naasir Siciid Seef (Cabdi Dheeg) oo hada ku sugan cariga Boqortooyada Ingiriiska ee Britain ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay doorashooyinkii ka dhacay Somaliland 26 Jun 2010 ee lagu doortay madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

 

 

 

Ergayga Citiraafka Somaliland oo shebekada wararka ee araweelonews kula soo xidhiidhay khadka isgaadhsiinta waxa uu isagoo ka hadlaya doorashada iyo natiijadeeda yidhi, “Somaliland waxay maanta saddex ku noqotay labada wadan ee Africa dumuqraadiyada dhabta ahi ka dhacday, kuwaas oo kala ah Gana iyo south Africa, waxaana rajaynayaa inay Somaliland maanta dunida ka gashay rikoodh cusub oo dhinaca dhabaha dumuqraadiyada ah. Shacbiga Somaliland waxa guul weyn u ah inay maanta doortaan madaxweynaha ay doonayaan inuu hogaamiyo oo ah, madaxweynihii Afraad ee Somaliland, isla markaana ah Madaxweynihii Labaad ee doorasho xor ah ku yimaada. Sidaa awgeed waxaan hanbalyaynayaa marka hore shacbiga gartay inay doortaan Madaxweynaha Cusub Muj Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah siyaasi rug-caddaa ummada usoo halgamay, waxaana illaahay uga baryayaa inuu xilkaa u fududeeyo, isaga iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Ismaaciil Seylici ”.

 Sidoo kale waxa uu Ergayga citiraaf raadinta Somaliland C/kariim Naasir Siciid Seef hanbalyo u diray komishanka qaranka oo uu ku tilmaamay muwaadiniin kasoo baxay waajibkii iyo hawshii loo igmaday, isla markaana mudo kooban ku qabtay doorasho xor iyo xalaal ah. Wuxuuna ugu danbayntii hanbalyo u diray madaxweynahii hore iyo ku xigeenkiisii  laga guulaystay Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu sheegay inay si fiican yeeleen oo ay maanta taariikhda baal dahab ah ka geliyaan.

Mr. Cabdi dheeg waxa kaloo uu sheegay in aan la ilaabi Karin doorka ay lahaayeen ciidanka qaranka Somaliland ee hawsha codbixinta doorashada.

Wuxuuna ugu danbayntii usoo jeediyay shacbiga Somaliland inay gamcaha is qabsadaan oo la shaqeeyaan dawlada cusub si loo gaadho horumarka iyo isbedelka dhabta ah ee laga filayo hogaanka cusub ee la doortay.    

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *