Hargeysa(ANN) Kumanaan dad ah iyo gaadiid ayaa loo daabulay magaalada Xeebta ah ee Berbera si ay uga codeeyaan doorashada maalinta Arbacada 28 Nov oo saacado inaga xigaan. gaadiidka basaska, dhaynayaasha xamuulka ah iyo gaadiidka yar yar ayaa

ilaa subaxnimadii saaka ka baxayay xaafadaha magaalada Hargeysa qaarkood, kuwaas oo dadka la saarayay ay u bafan yihiin dhalinyaro musharixiinta qaarkood ka dalbadeen inay codkooda siiyaan.
Qaar ka mid ah dhlinayada ayaa warar qaar sheegayaan inay musharaxiinta qaarkood u balan qaadeen  lacag  haddii ay codkooda siiyaan, waxayna taasi keentay inay magaalada xeebta ah ee Berbera ay noqoto saxmad gaadiid iyo u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lagu xereeyay hoolal waaweyn, halka qaar kalena la dejiyay xaafado iyo huteelo.

 

Daabulka dadka ayaa sababay inay galabta isku dhacaan laba gaadhi duleedka magaalada berebera ee wadada dhinaca Hargeysa, sida ay sheegayaan saraakiisha wadooyinku waxa labadaa gaadhi oo midkood ka tegey dhinaca Hargeysa, isla markaana uu siday taageerayaal doonayay inay u codeeyaan musharax ka tirsan Ururka WADDANI iyo gaadhi kale oo ka yimi dhinaca Berbera oo siday dad kale oo doonayay inay codkooda ka dhiibtaan Hargeysa, balse isku dhaca labadaa gaadhi waxa ka dhashay dhaawac ugu yaraan 16 qof ah, kuwaas oo dhaawacyo fudidi soo gaadheen.

Magaalada Berbera ayaa lagu daabulay kumanaan qof oo gaadiid kasoo qaaday jihooyin kala duwan, kuwaas oo ka tegey magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo sidoo kale hawdka dhinaca gobolka Togdheer. sidoo kale magaalada Burco ayaa boqolaal gaadiid ahi u qaadeen dad u badan dhalinyaro, iyadoo ay jiraan tiro yar oo dhinaca berbera uga baxday deegaamada ku dhow dhow iyo magaalooyinka kale ee Hargeysa  iyo Burco. sidoo kale tuulooyinka ayaa gaadiidk iyo dadk qaar u baxeen, kuwaas oo dhamaantood doonaya inay deegaamo gaar ah ka codeeyaan doorashada maalinta Arbacada 28 Nov, waxaana yaraaday saxmada gaadiidka iyo dadka ee magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa iyo Burco.

Dhaq-dhaqa gaadiidka iyo dadka la daabulayo, ayaa noqday tartan ka dhexeeya Ururada iyo Musharixiintooda, waxaana soo baxaya warar sheegaya in dadka deegaamada isaga talaabaya oo u badan dhalinayarada ku qul-qulaya magaalada xeebta ah ee Berbera ay sabab u noqdeen in suuqa madaw ee lagu kala iibsado codka iyo seyladaha ay maamulaaan  dilaaliin isugu jirta rag iyo dumar oo macaash ka doonaya musharixiintu sababeen in qiimaha codku gaadho meelaha qaar $ 70- 100 (todobaatan), oo dollar,  halka baska 3o-ka kursi jumled ahaan  musharixiinta qaarkood ku iibsanayaan dadka saaran iyo kiradiisa $600 (lix boqol) oo dollar,  iyadoo musharixiinta qaarkood isticmaalayaan dhaqaale ay doonayaan inay ku iibsadaan codka kumanaan dhalinyaro ah, waxaana wararka qaar sheegayaan in magaalada berberi noqotay seylada ugu saraysa qiimaha codka  la kala iibsanayo.

Dhinaca kale musharixiinta qaarkood ayaa daabulka dadka ka cadhooday, kuwaas oo dad badan oo ay qorshaha ku darsadeen inay u codaynayaan laga dareersaday, waxayna musharixiinta qaarkod oo isku maan dhaafeen daabulka dadka ee basaska iyo gaadiidka xamuulka ah.

Qaar badan oo ka mid ah waalidiinta ayaan hayn caruurtoodii. kadib markii ay raaceen gaadiidka lagu daabulayo dhalinyarada. sidoo kale qoysaska qaar ayaa isku maandhaafay inay ka mid noqdaan dadka safarada ugu kala baxaya magaalooyinka si ay meelo kale uga soo codeeyaan.

Komshinaka doorashooyinka ayaa iclaamiyay inaan la ogolayn isu socodka gaadiidka muddo 14 saacadood ah maalinta cod bixinta 28 Nov, waxayna weli gaadiidka iyo dadku u kala guurayaan magaalooyinka si aanay ugu xayirmin mudada loo qabtay isu socodka gaadiidka ee magaalooyinka, iyadoo dhinaca kalena la xidhay xuduudaha dalka oo dhan oo aan waxna kasoo geli karin waxna ka bixi karin maalintaa.   
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *