breaking-newsCeergaabo(ANN)Koox dablay ah ayaa caawa ka afduubay Gudoomiye xigeenkii Urur siyaasadeedka XAQSOOR  Cali Sandule iyo wefdi uu hogaaminayo oo ku jiray maalman olole uu taageero uga raadinayo ururkiisa deegaamada Sool iyo Sanaag ee bariga Somaliland.

Gudoomiye xigeenka iyo koox ka tirsan Ururka Xaqsoor oo gaadhaya ilaa labaataneeyo xubnood ayaa shalay ka hadlay fagaaraha beerta xoriyada ee Ceergaabo, halkaas oo ay kusuu geba gebeeyeen maalintii u danbaysay Ololaha, waxana gudoomiye xigeenka koowaad  iyo xubnaha kale oo weliyaa u baxeen dhinaca degmada Xudun oo u dhaxaysa Laascaanood iyo Ceergaabo, balse koox dablay ah oo kasoo jeedaa deegaanka ayaa caawa ku afduubay halkaa.
sida ay sheegayaan warar shebekada araweelonews ka heshay dadka deegaanka sanaag wefdiga oo mararay meel u dhaxaysa sarmaanyo iyo xudun waxa afduubay koox loo malaynayo inay ka tirsan yihiin kooxda nabad-diidka ee Khaatumo, kuwaas oo aan ilaa hada war sugan laga hayn halka ay u kaxaysteen wefdigaa.
Qaar ka mid ah xubnaha wefdiga Gudmooye xigeenka Xaqsoor oo aanu isku daynay inaan khadka isgaadhsiinta telefoonada ku helo si aanu wax uga ogaano xaaladooda ayaanay noo suurta gelin.
Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ka hadlin dhacdan oo kusoo beegantay maalin ka hor mudadii loo cayimay cod bixinta doorashada, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay xukuumadda Somaliland u dirtay ciidamo aaga lagu afduubay masuuliyiintaa. Balse saka xubaxnimadii hore  ayaa xoriyadooda loo celiyay Gudoomiye xigeenka Xaqsoor iyo wefdiga la socday, kuwaas oo isla maantaba u anbabaxay dhinaca magaalada Laascaanood.

kooxda Khaatumo ayaa si weyn u diidan in sanaaduuqda doorashada la geeyo qaar ka mid ah deegaamada ay kasoo jeedaan, waxayna dhowaan ku hanjabeen inaanay aqbali doonin in deegaamada Sool iyo Buuhoodle la geeyo sanaaduuqda cod bixinta oo ay rabshado ka dhalanayaan. laakiin gudoomiye xigeenka Xaqsoor iyo hogaamiyayaal kale oo kasoo jeedaa deegaanka ayaa gudida doorashooyinka ku khasbay in sanaaduuqda codbixinta la geeyo deegaamadaa.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
1
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *