C/llaahi M. Ducaale wasiirka ugu mudada dheer xukuumada Rayaale oo ka waramay qaabka  xil wareejinta iyo mustaqbalka UDUB
images/stories/c.png     Hargeysa(ANN) Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ee xukuumadda xilka wareejinaysa Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay inay ka xumaadeen tallaabooyin ay qaadday Guddiga illaalinta hantida qaranka xilliga kala guurka ah oo uu Madaxweynaha la doortay Axmed-Siilaanyo uu magacaabay horraantii bishan, waxaanu faahfaahin ka bixiyey qaabka ay u dhacayso xafladda xil-wareejinta labada Madaxweyne.

Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo waraysi dheer dhinacyo badanna taabanaya siiyey laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda  codka maraykanka VOA-da, waxa uu ka waramay qorshihiisa shaqsi marka ay xilka wareejiyaan, nooca mucaaridka ay noqonayaan Xisbigooda  UDUB ahaan, sida ay diyaar ugu yihiin inay xilka u wareejiyaan marka Madaxweynaha la doortay uu yimaado, waxyaabaha caqabadda ku noqday horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland oo uu sannadihii ugu dambeeyey Cabdillaahi Wasiir ka ahaa, hannaankii dhismaha Somaliland soo maray ee ay xilalka ula kala wareegi jireen xukuumadihii hore iyo qodobo kale oo la xidhiidha waraya aragnimadiisa, maadaama uu yahay wasiirka ugu mudada dheer oo khibrad badan uu leeyahay. Waxaanu sheegay in Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ay wakhtigan meel aad u fiican marayso marka loo eego halkii laga soo bilaabay wakhtigii Somaliland dhalatay 1991-kii, taasoo uu sheegay inaan albaab u furani jirin wakhtiyo badan, hase ahaatee, hadda albaabbo badani u furan yihiin. Waxaanu Wasiirku intaasi ku daray oo uu sheegay in waddamada Carabta oo u dambeeyey u soo dabcayaan gooni-isu-taagga Somaliland oo dalka Yemen Hargeysa xafiis ka furanayaan maalmaha soo socda.

Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxa uu u mahadceliyey Xoghayaha guud ee Ururka IGAD Maxbuub Macalin oo ah nin u dhashay Soomaalida Kiiniya oo uu sheegay inuu si weyn ugala shaqeeyey is-fahansiinta IGAD iyo Somaliland, dhawaanna ay Guddi qiimaysa Somaliland u soo diri doonaan.

Mar Wasiir Ducaale la sii waydiiyey sida ay wax uga jiraan dhalliilo loo jeediyo in siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland tahay mid fadhiid ah oo ay Xukuumadda Rayaale ka gaabisay dhaqaajinteeda, waxa uu yidhi; “Waa run in loo baahan yahay dad lacag qaata oo innoo dooda, caalamka oo dhan way jiraan, qolooyin badan oo nala shaqeeyey oo aannu waxoogaa kharash ah oon sidaa u buurnayn aannu siinnay way jiraan oo runtii ay ka mid ahaayeen Dibloomaasiyiinta madaxa bannaan qoladii la odhan jiray (independent diplomats) oo runtii meelo badan wax ka qabtay.

Way jiraan dad badan oo aannu la xidhiidhnay oo meelo kala duwan jooga, runtii kharashkoodu waxa qayral caadi ah ayuu noqday, dawlado ayaa fangareeya oo Malaayiin dollar bay qaataan, dad si madax-bannaan innoogu ololeeyaana way jiraan oo wax badan qabtay, Saaxiibbo badan baa innoo shaqeeyey, hadday tahay Madaxweynayaal hore, Hay’ado iyo dad kale. Maanta waxaynu taagannahay maalintii goolka si fiican loo laadi laadayey, annaguna waxba ka hagran mayno.”

 Cabdillaahi Maxamed  Ducaale oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyey sida ay u dhacayso xafladda Madaxweynaha la doortay xilka kagala wareegayo Madaxweynaha shaqada ka tagaya iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay sidii Xukuumadihii hore loola kala wareegi jiray, waxa uu sheegay in waxa cusubi yahay kaliya in Madaxweyne la doortay oo Xisbi Mucaarid ah ka soo baxay oo Madaxweyne muddo xilka hayey oo isagana la doortay xilka kala wareegaya. Hase ahaatee, wax kale oo cusubi jirin. Waxaanu ka warbixiyay taariikhdii ay SNM dalka kula wareegtay oo ahayd qori caaradii iyo qaabkii loogala wareegay. “1993-kii markii dawladdii Cigaal Boorama lagu soo dhisay ee u kala wareegayay Marxuum Cabdiraxmaan Illaahay labadoodaba ha u naxariistee, taasina waayeheeda ayay lahayd. Markaan kuu soo qaado Wasiirkii ugu horreeyey ee Maaliyadda Marxuum Cigaal ayaan ahaa dee Wasiir wax igu wareejiyey meeshii ugumaan iman, Ismaaciil Buubbaa ayuu ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee Maamulkii Cabdiraxmaan-Tuur ugu qornaa, markaa isagii maba iman oo wakaa weli Nairobi jooga, markaasna Nairobi iyo meelahaas ayuu joogay. Markaa, Annaga ayuun baa bilaabmay, si degan bay taasina ahayd, way yaraayeen raga meesha loogu yimi, dee wax dhisnaana ma jirin magac mooyaane. Madaxweynahaan xasuustaayoo Miiskiisii iyo Kursigiisii ugu horreeyey oo illaa hadda yaalla Xafiiska Madaxtooyada, Ninka Ganacsadaha ah ee Ibraahin-dheere, ayaa noogu tabarucay kursigii iyo miiskii ugu horreeyey diyaarad nooga soo saaray Jabuuti Illaahay raalli haka ahaado’e, tii weeye taannu ku shaqaynaynay, aniguna qayb baanan ka ahaa illaa maalintaa 1993-kii-2010, xog bandanna waan hayaa.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi, waxaanu intaasi ku daray; “Maanta haddaan tan u soo noqdo, waa nasiib wanaag, waxaanay ku tusaysaa horumarka ay Somaliland gaadhay hadday shacab tahay iyo hadday dawlad tahayba. Waa dal dhisan sida wax lagu wareejinayaana waa basiid, waxa weeye labada oday hore way isu arkeen, waxa weeye Madaxweynaha la doortay Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Wasiir maaliyadeed buu mar noo ahaa, Madaxweyne ku-xigeenbuu ahaa Madaxweynaha xilka wareejinayaa Daahir Rayaale Kaahin, Xafladbaa dhacaysa, Guurtidii-baa imanaysa, Baarlamaankiibaa imanaya Shirguddoonkoodii iyo ciddii kale ee ay iyagu isla gartaan, markaa dhaartiibaa dhacaysa oo markaasaa loo faraxalayaa Madaxweynihii cusbaa oo uu noqonayaa Madaxweynihii sharciga ahaa ee dalka maalinta 27-ka Julay. Daahir Rayaale Kaahin si gaar ah ayuu ugu baxayaa Baabuurkiisa gaarka ah, gurigiisiibuu iska tagayaa, annaguna halkaasaannu ka sii galbinaynaa.” Ayuu yidhi Wasiir Ducaale. Waxaanu sheegay inay Wasiirro ahaan diyaar u yihin xil-wareejinta Wasaaradaha ay masuulka ka yihiin iyo waxay hanti qaran hayaan iyo sidoo kale shaqaalahaba, oo ay hambalayn doonaan Wasiirrada xilka kala wareegi doona.

“Waa Illaahay mahaddii haddii maanta aannu wareejinayno dalkii oo nabad ah, Ciidamadii Qaranka oo dhisan oo wax lagu faano ah, Wasaaraddii arrimaha gudaha iyo Booliskeedii oo dhan, markaa runtii waa rag nasiib badan iyo gabdho nasiib badan ayaa iman doona.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Maxamed Ducaale.
Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxa kale oo la waydiiyay sida ay wax uga jiraan wararka sheegaya in Masuuliyiin Xukuumadda Rayaale ka tirsani ku dhaqaaqeen hanti-boob iyo baxsi, waxa uu ku jawaabay; “Horta waxa habboon dawladnimada iyo sharafteeda in la illaaliyo, Millatari dalkan qabsaday ma imanayo, qolooyin hadlayey oo Guddiyaal ah oo Madaxweynaha la doortay soo diray waaxoogaa dhadhan xumo ah ayaannu ku aragnay oo runtii aannaan islahayn meesha way ku jirtaa oo soo baxbaxaya.

Waar wixii qaranku waa wax qoran, Xisaabiyaha guud bay soo mareen, Hanti-dhawrka ayaa haya, Wasaarad walba waa la ogyahay, haddii baabuur geerash yaallo micneheedu maaha baabuurkii ayaa la furfuranayaa. Maalin dhawayto arrin nasiib-darro ah ayaa dhacday, qolada socdaalka iyo Taliyaha sirdoonka Wajaale ayaa lagu qabtay, aadbaannu uga xumaannay runtii, markaasaa Madaxweynihii la doortay lala hadlayaa, yaa horta xilka haya? Xilka waxa hayaa waxa weeyaan maamulkii Madaxweyne Daahir Rayaale, Madaxweynihii dalku waa isaga. Madaxweyne la doortay wuu jiraa, dee muddo ayuu leeyahay, tallooyin buu urursanayaa, Annaga waajib waxa nagu ah in warbixin subaxeedkii la siiyo, Hay’adihii amnigu u warramaan oo Madaxweynihi u warramo, tiina way socotaa. Laakiin hebel ayaa baxsaday Wasiir Cawil-baa baxsaday, waar waxaasi waa ceeb, dee Cawil soowkan jooga ee ah hawshii wada ee xil-wareejintii diyaarinaya. Waxaan leeyahay waar waxa innoo hadhay waa maalmo, kuraastiina waa la idiin bannaynayaa, waxaad la wareegaysaan waa dad, agab, hanti qaran iyo dawladnimo, wax badan in laysla hubiyo weeye, dadkana in shaki la dhexdhigo maaha, calool-sami iyo niyad sami inaannu xilka ku wareejinno ayaannu doonaynaa, dad masuuliyiin ah baannu nahay in karaamada layska qaadana maaha.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.

Ugu dambayntii Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxa la waydiiyey maaddaamoo laga bilaabo 27-ka bishan ay noqonayaan Xisbi Mucaarid ah, nooca mucaaridka ay noqon doonaan iyo waxyaabaha isaga sida gaarka ah ugu qorshaysan inuu sameeyo ama ku dhaqaaqo xil-wareejinta ka dib, mar haddii uu yahay Wasiirkii ugu muddada dheeraa ee Somaliland xil ka soo qabtay, waxaanu ku jawaabay; “Horta annagu markii hore qaranbaannu dhisaynay, kurisga kululna annaga ayaa ku fadhinay, dibadda ayaannu maanta ka joognaa, ee waxay hawli u taallaa maanta oo aannu runtii ugu ducaynaynaa in Illaahay talada waafajiyo Madaxweynaha cusub iyo kooxda uu urursan doono, waayo meesha waannu naqaannaa, waxa yaalla dhib, eed iyo godob joogto ah ee Illaahay ha u fududeeyo. Ballan-qaad waxa naga ah inaannu la shaqayno maamulka cusub iyo hawlohooda oo dhan wixii qaranka ah, waayo? Waxaannu doonaynaa inay guulaystaan, oo Ictiraafkii iyaga oo meesha jooga gacanta lagu dhigo. Annaga doorkayagu waxa weeye wakhti ku filanna waannu siinaynaa, markaa waannu ku illaalinaynaa danta qaranka, waanannu ka illaalinaynaa.

“ Wasiir Ducaale, waxa uu sheegay inaanay noqon doonin mucaarid wax xumeeya. Isla markaana waxa uu Madaxweynaha la doortay iyo xukuumaddiisaba u rajeeyey in Illaahay talada waafajiyo. Waxaanu tilmaamay in isaga tacab badani dalka ka soo galay illaa wakhtigii SNM-ta. “Markay hagaajiyaanna sacabka ayaannu u tumaynaa, marka ay wax xumeeyaanna waar ka daaya ayaannu leenahay oo runtaa loo sheegayaa.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxa uu sheegay inay UDUB ahaan dib isugu noqonayaan, isla markaana seeska hoose ka soo saxayaan qaladaadka xisbiga ka dhacay, dib u habayna ku samayn doonaan iyaga oo ku garab taagan Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, illaa inta shirweyne kale Xisbigu qabsano. “Tayda shaqsiga ahina waxa weeyaan,oo wakhti yar oo firaaqo ah kollayba waannu u baahannahay, inkasta oo aanan uba baran reerkaygii inaannu wada-tashanno, maxaa tan xiga is-nidhaahno, inaannu ka tashanno mustaqbalka dambe doorka aan qaadanayo, Illaahay ima ciidan tirin aniga shaqsiyan, Somaliland oo dhan waan ka soo shaqeeyey, hawl fiican oo wax tar ah oo hawlo badan ooh agar la’aan ah waad soo qabatay baan isleeyahay illaa wakhtigii SNM-ta, haddeerna sidii Xisbigu talada dalka ula soo noqon lahaana qorshaha way noogu jirtaa aniga iyo saaxiibbadayba.” Ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo gebagaeeyey Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *