Hargeysa (ANN)Aadan Jaamac Furre oo ah ganacasade u dhashay Somaliland ayaa maxakamadda gobolka Hargaysa u gudibiyey dacwad ka dhan ah xoghaya xisbida Udub Jaamac Yaasin Faarax.  sida lagu daabacay warkayska geeska africa waxay dacwada  ninka ganacsadaha ahi kusoo oogay xoghaya guud ee xisbiga UDUB la xidhiidhaa aduun lacageed oo uu xoghayuhu ka qaatay xiligii Ololaha doorashada,

 isagoo ku dacwiyaya  inuu ka qaatay lacag dhan $35000 (shan iyo sodon kun) oo dollar, taas oo wakhtigii kaanbeynka doorashada madaxtooyada laga amaahday.

arrintan ayaa iloo xog ogaal ahi waxay wargayska geeska u xaqiijiyeen in wasiiro dadaal kaga jiraan si lacagtaa loogu aqoonsado mid ku baxday xisbiga, isla markaana lagu leeyahay xisbiga UDUB.  Laakiin aan si gaara xogahayaha loogu lahayn.

Wasiiradaa oo sida wararka arrintaa la xidhiidhaa sheegayeen  inay  doonayaan  in lacagtaa  laga soo saxeexo madaxweynaha talada ka sii degaya Daahir Rayaale,  isla markaana dacwada laga baajiyo xogahayaha guud ee xisbiga laga guulaystay ee UDUB (jaamac Jug soo dhacay) , xubnaha wasiirada ee dedaalka ugu jira in maxkamad laga badbaadiyo arrintaa ayaa tibaaxaha la xidhiidhaa xuseen inay ka mid yihiin wasiirka duulista iyo gaadiidka cirka Cali Maxamed Warancadde, iyadoo ay jiraan  inay  wasiiro iyo odayaal kale arrinta kaga jiraan dadaal wayn sidii loo dhamayn lahaa.

ilaa hadda waxa jawaab ah kama soo bixin xoghayaha Udub sida ay wax u jiraan dacwadaa, isla markaana wargayska ayaa sheegay inuu  isku dayey  inay la xidhiidhaan xoghaya UDUB, balse waxay xuseen in aanay u suurta gelin. 
 
 
source: wargayska geeska africa

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *