images/stories/wefdiga djabouti.png   Hargeysa(ANN) Wefti ka socda wadanka Djibouti  ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, wefdigaa oo uu hogaaminayo Wasiirka warfaafinta iyo Isgaadhsiinta dalka Djibouti  Cali Cabdi Faarax, waxaana halkaa kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Xilka Wareejinaysa Cabdillaahi M. Ducaale,  Dr. Maxamed Cabdillaahi xoghayaha Xisbiga KULMIYE ,  masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan golayaasha Baarlamaanka.

Weftigan oo ka kooban 16 Xubnood oo ay ka mid yihiin Wasiirka iskaashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah, iyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Jabuuti, iyo saraakiil ka tirsan dalkaa ayaa mar ay qolka nasashada ee madaarka warbaahintu kula kulantay , waxa  eroyo kooban oo uu halkaa ka yidhi ku sharaxay ujeedada socdaalka wefdiga Wasiirka warfaafinta iyo Isgaadhsiinta dawlada Djibouti Cali Cabdi faarax , waxaanu u nimi  si aanu ula ciidno umadda aanu walaalaha nahay ee reer Somaliland, ugana qayb-galno munaasibada caleemo saarka Madaxwaynaha Axmed Maxamed Maxamuud, oo sida quruxda badan ee loo doortay aanu ognahay, doorashadana aanu ku faraxnay, cidii Somaliland ul iyo diir iyo walaalnimo la wadaagaysay way ku faraxday doorashadaa xalaasha ah  iyo dawlada dimuqraadiga ah iyo casharka Somaliland Afrika iyo adduunkaba u dhigtay, markaa anagu haddii aanu nahay reer Jabuuti waanu ku faraxnay.” 
Cali Cabdi Faarax waxa oo uu tilmaamay  doorashadii Somaliland iyo wacyigii shacbiga Djibouti , “Anagu haddii aanu reer Jabuuti nahay doorashada waanu idinkula jirnay, habeenkii ay dooarshadu dhacaysayna waanu idinla soconay, habeenkii loo soo jeedayna waanu idinla soo jeednay,  Waad faraxdeen anaguna waanu idinla faraxnay oo waanu idiin faraxnay, markaa wanaag iyo walaalnimo ayaanu idiinka sidnaa Madaxwaynaha iyo shacabka Jabuuti ee aad walaalaha tihiin.” Ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Djibouti.  Munaasibadda ay wefdigu u yimaadeen ee ay  xilka kula kala wareegi doonaan Madaxweynaha la doortay iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ku beegan Salaasada 27 July., taas oo loo qorsheeyay in lagu qabto xarunta Madaxtooyadda Somaliland.

Sidoo kale waxa la filayaa inay saacadaha soo socda  dalka soo gaadhaan Wufuud ka kala socota Dalalka Itoobiya,  Kiiniya, wadamo kale iyo Dublamaasiyiin, kuwaas oo la filayo inay ka  qayb galaan munaasibadaha xilka ay kulak ala wareegayaan labada Madaxweyne ee Daahir Rayaale Kaahin oo xilka wareejinaya iyo Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilka la wareegaya, iyadoo munaasibada xil wareejinta ay ku lamaan tahay dhaarta dastuuriga ah ee Madaxweynaha  cusub.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *