Ceergaabo(ANN)Qaylodhaan todobaadkii hore kasoo yeedhay deegaanka Cilaamo ee dhinaca Xeebta Gobolka Sanaag oo qiyaastii Magaalada Ceergaabo kaga begaan 170km jihada galbeedka ayaa si korodhay. Kadib

markii Masuuliyiinta Gobolka ee Caafimaadku indhaha ka laliyeen, taas oo keentay inay dadka deegaanku lasoo xidhiidhaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo sadex maalmood ka hor u dirtay deegaanka koox gurmad caafimaad ah.

Hase yeeshee xaalada ayaa weli aanay waxba iska bedelin. Sida ay u sheegeen shebekada wararka ee Araweelonews dad ka tirsan deegaanka oo khadka isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay manta, waxayna sheegeen in aanay illaa hada soo gaadhin gurmadkii laga diray dhinaca Caasimada, kuwaas oo ay sheegeen inay ku xanibmeen Magaalada Ceergaabo.   Kadib markii kooxda laga diray Caasimada lagu hakiyay xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo, isla markaana ay taageero ka waayeen maamulka Gobolka, taas oo sababtay inay xaalada xanuuno ka dilaacay deegaankaa oo ay ku nafwaayeen ilaa afar qof inta la ogyahay cabsi ku abuureen dadka deegaanka, isla markaana in ka badan sodoneeyo kale u jiifaan xanuukaa oo aan weli la aqoonsan, balse lagu arkay deegaankaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *