baankaHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa sheegay inaanu Baanka Dawladu Maamulin Lacagta ku jirta Qasnada Dawladda ee Baanka Dhexe, balse

 

ay maamulaan oo kaliya lacagta Cashuurta ah ee dawlada u soo xeroota.

Gudoomiyaha Baanka Somaliland ayaa sidaa ka sheegay mar uu manta warbixin siinayay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo u yeedhay si ay wax uga weydiiyaan arrimaha sarifka dollarka ee kor u kacay oo sababay inay maceeshada ganacsatadu kodhiyaan qiimihii ay hore ugu iibiin jireen, Balse Gudoomoyaha ayaa ku dooday in aanu Baanka Somaliland lahayn nidaamkii Baankii dhexe ee Lacagta dalka uu ku  Maamuli lahaa iyo Baankii Ganacsiga ee Sahli lahaa inay Ganacsatada wadanka ku maamulaan nidaamka Bangiga Ganacsiga ee Caalamka laga Isticmaalo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Baanka Somaliland waayay lacag qadarkeedu gaadhayo Boqol iyo kow iyo Labaatan Bilyan oo Shilin oo dayn loogu lahaa Xukuumaddii Rayaale, taasoo Xukuumadda talada haysaa ku tilmaantay Lacag la lunsaday, dabadeed sidaasi lagu dhaafay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Markii hore Baanku isagaa Lacagta dalka Maamuli jiray haday tahay Lacagta Bangiga soo gasha iyo haday tahay ta dawlada,isagaa lacagta kala qayb-qaybin jiray, isagaa dhaqaalaha wadanka soo gala oo dhan Maamuli jiray, laakiinse xiligii Maxamed Xaashi laga soo bilaabo Buug xisaabeedyo gaara ayay furteen wasaaraduhu (Acounts) oo khasnada ayuunbay lacagtu ugu jirtaa iyagaa Marna soo korodhsada marna la baxa”ayuu yidhi

Gudoomiyaha Baanku, wuxuu ku dooday in aanay Baan ahaan waxba kala bixi Karin lacagta ku jirta Baanka, isagoo yidhi,  “markaa Maamul aanu ku leenahay ma jirto lacagtaa Dawlada , xataa lacag yar hadaanu ku yeelano kalama bixi karno ilaa Qaan-sheeg ay noo soo sameeyaan (Payments Voucher) oo aanu kula baxno, markaa taa iminka maamulno oo Wasaaadda maaliyada ayaa Maamusha”.

Dr. Cabdi Dirir oo ka  hadlayay sababta keentay inay Wasaaradda Maaliyadu la wareegto Maamulka Lacagta Mushaharaadka iyo dakhliga kale ee dawlada waxa uu yidhi,  “ Dawladii hore Dayn badan ayuu baanku ku yeeshay, wuxuu ku yeeshay Boqol iyo kow iyo labaatan Bilyan (121 Bilyan oo Somaliland ah ), ayaa ku maqnaa dawlada, lacagtaa cirkaa loo diray oo wali kamaanu xarayn dawlada lacagtaa, waayo Baankaa xaq u lahaa, laakiinse waxa la yidhi waa lacag la lunsaday oo sidiibaa lagu dhaafay , markaa Maxamed Xaashi wuxuu yidhi taasi si aanay u dhicin buug xisaabeedyo gaar ah ayaan samaysanaynaa oo lacagta dawlada Wasaaradda Maaliyada ayaa maamulaysa, waxaana la odhan karaa garbuu uu leeyahay.”

Mar la waydiiyay sababta keentay in lacagtii Kontonka Shilin ahayd iyo lacagihii kale ee ka hooseeyay suuqa ka baxdo waxa uu kaga Jawaabay “Lacagtii faraksharka ahayd suuqa way ku yartahay oo waa Run, meelo badanbaana aad loogu Isticmaalaa oo Boorama ka mid tahay, markaa dhawaan ayaanu doonaynaa inaan Noodhadh cusub ka soo daabacno.”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, sidoo kale waxa uu qeexay nidaamka ay Xawaaladaha Somalidu uga shaqeeyaan wadanka oo uu ku tilmaamay hab guracan oo sharcigu aanu fasaxayn, qaabkaasoo ah nidaamka Bangiyada la xidhiidha ee Xawaaladuhu bulshada ugu adeegaan, waxaanu yidhi “Dalka Banaan ma jiraan ee waxa jira waxa la yidhaahdo Lacag dirista iyo Sarifka, kuwaasoo hawshoodu ku eegtahay inay lacagta adag dadka u kala sarifaan ama qaab Xawaaladeed meel inta laga diro meel laga qaato”ayuu yidhi.

Dr. Cabdi Dirir, wuxuu isagoo sharaxaad ka bixinaya shaqooyinka Xawaaladdaha yidhi,  “waxa kale oo ay Xawaaladuhu sameeyaan Buug Xisaabeedyo ayay furan (Acounts), Amaaho ayay bixiyaan oo dee wixii Baanku qaban lahaa oo dhan yay qabtaan, sharciguna uma Fasaxayo, markaa dhawr jeer ayaan warqado u qoray oo aan ku idhi shaqadiinu intaasi ku eegtahay wadankana baahibaa jirta in Bangiyo Ganacsi la hirgeliyo, markaa joojiya, hadii aad sidaasi yeeli waydaana talaabaa laydinka qaadayaa”.

Gudoomiyaha Baanka Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan Xawaalado ku qaan-gaadhay nidaamka Baananka oo uu kula taliyay inay nidaamkooda horumariyaan, si buu yidhi ay Bangiga Dawlada isaga Kaashadaan hir-gelinta nidaamka Bangiyada Ganacsiga, waxaanu yidhi “Xawaaldaha qaarbaa jira kor u soo yara kacay oo soo koraya, kuwaana waxaanu ku nidhi sii horumariya adeegiina aad Baanan ahaan nagula shaqaysaana”ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Baanku, wuxuu ku hanjabay in aanay aqbalayn inay Xawaaladduhu shaqadii Baanka sii wadaan, isagoo yidhi,  “laakiin iminka wax ka dambeeya idinka aqbali mayno Sariflayaalbaanu nahay, shaqadii Baankana waxaanu waanu qabanaynaa, waayo waxa loo baahanyahay in wadanka Baanan Ganacsi yimaadaan oo dadkii Amaah ay helaan dabeetana dhaqaalihii uu fur-furmo,  waxa kaliya ee hada sharciyaysani waa Bangiyada Islaamka (Islamic Bank) ee Ganacsiga ah, markaa waxa loo baahanyahay in Bangiyada reer Galbeedka ama aan Ismaamiga ahayn sharcidaydooda dib loo eego”ayuu yidhi.

Warbixinta Guddoomiyaha Baanka ayaa kusoo beegantay, isagoo todobaadkii hore digniin u jeediyay Xawaaladaha dalka oo uu sheegay inay hayaan shaqadii uu qaban lahaa Baanka Dhexe, isagoo ku hanjabay inay taalabo ka qaadayaan Xawaaladaha.

Gudoomiyaha Baanka ayaa dhawaaqiisa digniinta  ahi ka danbeeyay ka dib markii qiimaha dollarku si weyn sare ugu kacay todobaadyadii u danbeeyay, iyadoo qiimaha halka dollar gaadhay 7, 400 s/land shilin, taas oo saamayn weyn ku yeelatay in qiimaha Maceeshadu kor u kaco, isla markaana ay xukuumaddu ku guuldaraystay inay wax ka qabato sixir bararka maceeshada iyo kor u kaca sarifka dollarka ee suuqyada Somaliland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *