Wangari Maathai iyo madaxweyne ObamaNairobi (ANN)Haweenay caan ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa geeriyootay maanta. Haweenaydaa oo la odhan jiray Wngari Maathai  oo ahayd 71 jir, waxay ahayd qof u ololaysa daryeelka deegaanka arrimaha xuquuqda aadamaha  iyo horumarka bulshada, waxayna  dhimatay, iyadoo laga

 

daawaynayay cudurka Cancer.
Wangari Maathai, waxay ahayd haweenaydii u horaysay ee u dhalatay  afrika ee qaadata shahaadada PHD, isla markaana waxay noqotay haweenaydii u horaysay ee afrikaan ah ee la gudoonsiiyo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobile, Wangari  ayaa aasaastay ururka Green belt movement sanadkii 1970, iyadoo dumarka ku guubaabiisay inay ka hortyagaan dhibaatooyinka geedaha la gooyo oo laga dhigto dhuxusha, iyadoo ku doodaysay inay goynta dhirku deegaanka  u horseedaan  xaaluf iyo abaar.
Dhowr jeer ayaa la xidhay oo ay ciidamada  Boliiska dalka Kenya garaaceen, xiligii dawladii Arab Moi, iyadoo   ku guda jirta oo u ololaynaysa  cadaaladda iyo la dagaalanka musuqmasuqa.
Horaantii sanadkan ayaa BBCda waraysi ay ka qaaday ayay ka hadashay sida kacdoonka dalalka carabta ka bilaabmay  ay u samaynayaan adduun wanaagsan iyo horumar.
Dhinaca kale Kumi Naidoo oo katirsan ururka u ololeeya deegaanka ee Green Peace ayaa sheegay in haweenaydaa Wangari Maathai ay ahayd qof la hadli karta qof walba madaxda iyo dadka caadiga ah.
Dimashada Wangari Maathai ayaa waxaa ka hadlay dad badan caalamka. Madaxweynihii ugu horeeyay ee haweenay Madaxweyne ka noqota Afrika oo ah madaxweynaha Liberiya  Ellen Johnson Sir leaf ayaa BBCda u sheegtay in dumarka Afrika ay waayeen halyay, hogaamiye iyo qof u ololeeya xaqa bulshada ee siyaasada, nolosha  iyo deegaanka.
Madaxweynaha Tanzania Jakaya kikwete ayaa ku tilmaamay Wangari Maathai inay ahayd qof aragti dheer iyo geesinimo leh. Guud ahaan dhawaaqyo baddan oo dunida dacaladeeda ka yimi markii ay maqleen dhimashada haweenaydaa ayaa ku tilmaamay mid ay afrika ku weyday qof geesiyad ah, balse ay taariikhdu xusi doonto.
Xoghayaha gudiga Norway ee bilada Nobelka ayaa ku tilmaamay Wangari inaay ahayd qof isku darsatay is waafajinta  siyaasada iyo arrimaha deegaanka shaqadooda si gaar ahna ay u ahayd qof qiima baddan oo u ololaysa daryeelka iyo ilaalinta deegaanka iyo xuquuqda aadamaha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *