Somaliland Goobaha Lagu Bixinayo Kaadhadhka Diiwaangelinta oo Saaka ka Bilaabmay iyo Duruufaha Ku xeeran
Hargeysa(ANN)- In ka badan 1000 goobood loo qorsheeyay inay dadwenaha somaliland ka qaataan kaadhadhka diiwaangelinta ee la bedelayo ayaa saaka subaxnimadii hore ka bilaabay gobolada somaliland, iyadoo lixdii subaxnimo ee saaka la arkayay sida ay goobahaa dadku ugu soo diyaargaroobeen. hase yeeshee waxa qaar badan oo ka mid ah goobahaa dib uga dhacay agabkii, iyadoo meelo badan oo ka mid ah Caasimada Hargeysa oo aanu booqanay kula kulanay dadka doonaya inay kaadhadhka bedelaan iyo hawlwadeenadii ka hawl gelayay, balse waxa muuqatay jiitan yar oo dib u dhac ku yimi agabkii lagaga hawl geli lahaa goobahaa,”Waxanugoobtan nimi salaadii subax ka dib ilaa hada oo 8;00Pm ayaanu sugaynaa welina hawli kama bilaabmin kaadhadhkayagii horena waanu sidanaa, waxa aan weli iman agabkii Ardaydii Jaamacada ee ka hawl gelaysana waa taa”. sidaa waxa yidhi muwaadin ka mid ah dadka aanu la kulanay oo magaciisa ku sheegay Bile Axmed Cawl.
inkasta oo dadka aanu waqtiyadaa kula kulanay qaar badan oo ka mid ah goobaha ay cabashadaa muujiyeen. hadana waxay muujinayeen sida ay u danaynayaan inay qaataan kaadhadhka cusub, balse waxa iyaguna jiray dadka qaar ka walaacsan kayuuga la gelayo. haseyeeshee hawsha bedelaada kaadhadhka ayaa u muuqata mid si weyn dadku u danaynayaan, iyagoo dhinaca kalena muujinaya sida tacabkoodii loo khasaariyay waqtigii hore ee ay kaadhadhkan qaateen.
By Carraale M. Jama
Hargeysa Office
info@raweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *