Berbera(ANN)Qayb ka mid ah Golaha deegaanka degmada Berbera ayaa maanta yeeshay fadhigii u horeeyay, kaas oo ay kasoo xaadireen 11 xildhibaan, isla markaana ay  ku doorteen Maayar iyo Maayar ku xigeen cusub. fadhigaan oo aan loo ogolayn saxaafada waxa

 

kasoo xaadiray 11 xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka, balse wararka ayaa sheegaya in hal mudane banaanka uga baxay shirka ka hor intaan la dooran doorashadu dhicin.

 

Fadhigaa oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee dawladda Hoose Berbera. waxa kale oo ka  qaybgalay Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), iyo Wasiir dawlaha arrimaha gudaha Somaliland, kuwaas oo isku khilaafay shirka in la qabto iyo in dib loo dhigo, maadaama ay maqanyihiin mudanayaasha kala badh oo aanay kasoo xaadirin fadhigaa.
hase yeeshee Badhaaska Maxamuud Cali Saleeban Ramaax ayaa ku adkaystay in la qabto shirka, iyadoo ay wasiirka si weyn isugu maandhaafeen.

fadhigaa kooxda mudanayaasha ah ee ka qaybgalay ayaa  sheegay inay  Maayarka Berbera u doorteen  C/shakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ka soo baxay ururka UCID, waxayna  sidoo kale sheegeen inay maayar ku xigeenka Berbera u doorteen Baashe C/laahi Ibraahim (Yacquub) oo isna ka soo baxay ururka Waddani.kadib markii uu xalay ka tanaasulay Maayarkii hore ee Berbera Cabdla Sandheere oo ahaa musharax u taagan maayarka.

Doorashada Maayarka Berbera iyo ku xigeenkiisa waxa hadheeyay loolan adag oo u dhexeeyay dhinacyada ku tartamayay, waxaana kulankaa aan ka qaybgelin  xildhinaabada kala badh golaha deegaanka Berbera, iyadoo saxaafada aan loo ogolayn kulankaa, mudanayaasha ka maqnaaday fadhiga  ayaa  saluugay qaabka loo maamulay doorashada. sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inay masuuliyiinta xukuumaddu isku maandhaafeen kulankaa iyo qaabkii loo maamulay, iyadoo aanay xildhibaanada ka maqnaa kulankaasu weli wax jawaab ah ka bixin doorashada maayarka iyo ku xigeenka, balse suxufiyiinta oo markii hore loo diiday goobta, ayaa mar danbe loo ogolaaday inay gudaha galaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *