Jubba(ANN) Dawlada cusub ee Koonfurta South Sudan ee xarunteedu tahay Jubba, ayaa dalkeeda ka masaafurinay dadka u dhashay Somaliland ee haytsa Baasaboorka Somaliland. kadib markii ay dawlada Jubba soo saartay sharci sheegaya in dadka ajaanibka ah ee ku sugan

 

dalkeedu iska diiwaan geliyaan xafiiska laanta socdaalka ee dalkaa.
C/fataax Cali Cilmi oo magacdheer (Buush) oo ku sugan magaalada Jubba ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews.com in ay soo waajahday cabsi dadka ku nool dalka South sudan ee u dhashay Somaliland, kuwaas oo haysta Baasaboorka Somaliland, isla markaana awaamiirta ay soo saartay dawladu ay saamayn ku yeesheen shaqooyinkooda iyo noloshooda.

C/fataax Buush waxa uu u sheegay shebekada Araweelonews.com oo khadka isgaadhsiita kula xidhiidhay galabta isagoo jooga Jubba inay arrintaasi ku keentay cabsi weyn, isla markaana safaarada dawlada Somalia oo ku taal xafiiska Laanta socdaalka ee Jubba ay dadka Somaliland ee sita Baasaboorka Somaliland u sheegtay dawlada Jubbba inay daadiyaan oo qaataan baasaboorka Somalia, taas oo markii ay diideen qaarkood xabsiga loo taxaabay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, Mr. Buush “Waxa dadka ku diray dawlada Jubba waa Safaarada somalia oo degan xafiiska socdaalka jubba, kuwaas oo doonaya in la daadiyo Baasaboorka Somaliland, mana jirto safaarad iyo xafiis ay somaliland ku leedahay halkan oo aanu u dacwoonaa, markaa waxaanu ugu baaqaynaa dawlada somaliland inay arrintaa soo fara geliso” ayuu yidhi C/fataax Buush.

 

wuxuuna intaa ku daray in hada arrintaa loo xidhay muwaadin u dhashay Somaliland oo gacansade ahaa kaas oo lagu magcaabo Axmed Cali Cigaal oo dawlada Jubba u qorshaysay inay maalinta beri ee Jimacaha ka masaafuriso dalkeeda. sidoo kale galbta ayaa laga qabtay Madaarka Jubba Maxamed C/llaahi Xasan oo u dhashay Somaliland, kaas oo ka dhoofay shalay Madaarka Berbera, isagoo doonayay inuu hawlo ganacsi iyo shaqooyin ka bilaabo halkaa, waxaana loo qorsheeyay in maalinta beri dib loogu soo celiyo Somaliland. arrintan ayaa saamayn weyn ku yeelatay dadka muwaadiniinta Somaliland ee ku nool dalka South sudan oo qiyaastii gaadhaya 350 qof, kuwaas oo shaqooyin kala duwan ka haya dalkaa, isla markaana ku kala filqan magaalooyinka dalka koonfurta Suudaan.

Dhinaca kale wasaaradda arrimaha debdeda Somaliland oo shebekada araweelonews isku dayday inay wax ka weydiiso arrintaa ayaanay u suurta gelin.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa badhtamihii sanadkan u magcawday xafiiska Jubba ee Somaliland Axmed Xuseen Oomane oo hore u ahaan jiray  wasiirka kaluumaysiga, balse xafiiskaa ayaan weli ka hawl gelin dalka South Sudan, iyadoo aan laha warqabin halka uu ku danbeeyay masuulka loo magcaabay xafiiska la doonayay inay Somaliland ka furato halkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *