Hargeysa(ANN)Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland C/raxmaan Ducaale Maxamuud(Daamir) ayaa galabta ku geeriyooday Cusbitaalka

 

Shifo ee magaaladda Hargeysa. kadib markii saaka loo geeyay xaalad caafimaad-daro oo soo waajahday.
Sida ay shebekada araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah eheladiisa Marxuumka ayaa ku geeriyooday galabta casarkii cusbitaalka Shifo ee gaarka loo leeyahay oo ku yaal dhinaca galbeed ee magaalada Hargeysa. 
Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Maxamuud waxa uu ahaa aqoonyahan si weyn looga yaqaanay Somaliland iyo Somalia, wuxuuna 1997 ilaa 2010 ahaa gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, wuxuuna ahaa shaqsi sumacad ku lahaa shaqadiisa, isagoo ahaa rukumadii seeska u ahaa baanka Somaliland iyo qorshihii lagu fadhiisiyay lacagta Somaliland.

Geerida Marxuumka ayaa noqonay mid ay si weyn uga naxeen cid kasta oo maqshaa, waxaana Marxuumka maalinta beri lagu aasi doonaa xabaalaha Naasa hablood ee bariga magaalada Hargeysa, iyadoo aas qaran loo samaynayo marxuumka.
Dhinaca kale Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadeedyay geerida ku timi Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Maxamuud oo galabta ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu caawa soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Dr: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland, MARXUUM, CABDIRAXMAAN DUCAALE MAXAMUUD, oo galabta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. AAMIIN AAMIN.”

Sidoo kale dhamaan Hawl-wadeenadda Shacabkadda Araweelonews waxay iyagoo ka tiiraanyaysan geerida naxdinta leh ee ku timi Allah ha u naxariistee Marxuum C/raxmaan Ducaale Muxumed ,waxay Tacsi u dirayaan shacbiga Somaliland,  Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuumku, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu naxariistui janno ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *