araweelonews

Hargeysa(Araweelo News Network) Ururka Qareenada Somaliland dhaleeceeyay xadhiga lagula kacay gudoomiyihii ururkaas ee gobolka Sanaag oo dhowaan weerar tacadi ah lo geystay kadib markii uu kiis dacwad ah

 

ka noqday qareen, waxaanay tilmaameen inay talaabadasi tahay mid fool xun.

Ururka Qareenada Somalialnd oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa waxay si weyn u canbaareeyeen tallaabadaa, waxaana gu horayn ka hadlay gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland Foosi Sheekh Yoonis, isagoo yidhi,  “Waxaanu Cambareynaynaa Falka Lagula kacay Garyaqaan Cali Siciid, waxaanu halkan Bulshada uga sheegaynaa, Madaxweynaha Somaliland u sheegaynaa, hay’adaha sharciga u sheegaynaa,

guddida cadaaladda u sheegayna, in aanu gobolka Sanaag sharci ka shaqayn, sababta oo ah markaanu eegnay dhacdooyin badan oo kala danbeeyey oo aanu diwaangalinay marka la eego, waxa ka mid ah in guddomiyaha gobolka Sanaag  qufushay dhammaan xafiisyadii garsoorsysasha maxmaddaha waa dhacdo dhacday oo ku soo baxday saxaafada oo illaa wakhtigan aanay xukuumaddu waxba ka qaban, waxa kale oo dhacday garsooryaal xoriyada lagga qaaday iyadoon guddida cadaaladdu ogolaan.” Ayuu yidhi gudoomiye Foosi

Sidoo kale guddoomiye Ku-xigeenka Ururka qareenada Somaliland Xassan Cali “Xassan Banfas” oo isaguna shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xoriyadiisa u soo celiso gudoomiyaha ururkaas ee gobolka Sanaag waxaanu yidhi “ Waxaanu cambaareyn kulul u jeedinaynaa cidii xidhay garyaqaan Cali Siciid Jaamac, runtii xuquuqdii uu lahaa garyaqaankasi waa lagu tacadiyey iyo waliba xuquuqdii dadkii uu matalayey ee uu xuquuqdooda Difaacayey, arrintaasi waxaanu u aragnaa faldanbiyeed aad u xun, oo aan ku koobnay shakhsiyada qareenka, balse saaameynaysa dhammaan ummada, waayo qareenku wuuxu mataleyey oo uu dacwad u hayey oo uu xuquuqdooda difaacayey dad muwaadiinin ah oo waliba ah dadka saboolka ah ee aan iska biixin Karin lacagta qareenka laggu qabsado, Waxa jirra in sanadadan danbe ay isa soo tarayaan tacadiyo ka dhan ah Bahda garsoorka, oo ay ugu badan tahay xadhig la xidho oo horena loo xidhay guddoomiyaha Ururka qareenada, isla garyaqaanka cali waxa hore loogu la kacay jidhdil imikan wuu xidhan yahay’ ayuu yidhi Banfas.

Garyaqaan Maxamed Shabbeel oo ka mid ah Ururkaa  ayaa sidoo kale nasiib daro ku tilmaamay xadhiiga lagula kacay gudoomiyaha ururka qareenada g gobolka Sanaag, waxaanu canbaareeyey xadhigiisa waxaanu yidhi “Waxaanu Cambaareynaynaa Falka Dacadiga ah ee loo geystay Garyaqaan Cali Siciid oo aan ahayn markii koowad ee tacadiyo noocaasi ah loo geysto bahda garsoorka iyo looyaradaba, waxaanu ugu baaqaynaa Xukumada tallada haysa iyo madaxweynahaba in la illaaliyo Sharafta bahda cadaalada oo halkeedii lagu soo celiyo oo laga daayo dibin daabyada.” Ayuu yidhi garyaqaan Xasan Shabeel.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *