Nicolos Kay
Washington(Araweelo News Network)Qarmada Midoobay ayaa shaacisay in ay ka baxayaan Somalia haddii ay xaaladda Somalia kusii socoto sida ay hadda tahay, sidaana waxa

ka dhawaajiyay Ergayga Q.Midoobe u qaabilsan Somaaliya Nicholas Kay oo khudbad ka jeediyay machadka nabadda ee xaruntiisu tahay Washington.
Mr. Nicholas Kay ayaa sheegay in weerarada ka dhanka ah saraakiisha Qaramada Midoobe ay halis gelinayaan shaqada ay ka wadaan Soomaaliya, taas oo uu sabab uga dhigay walaac ay ka qabaan xaalada
ammaanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Sidaa awgeed Q.Midoobay waxay ku hanjabtay in saraakiisheeda muhiimka ah ay kala bixi doonto Soomaaliya haddii ay sii socdaan weerarada joogtada ah.

“Aad baan uga walaacsanahay ammaan-darada ka jirta Soomaaliya haddii ay sii socdaan weerarada lagu qaadayo saraakiisha dowladda iyo kuwa UN-ka waxaa dhici karta in aan soomaaliya iskaga baxno”ayuu yidhi Nicholas Kay.

Dhawaaqa Mr. Nicholas Kay ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii si isdaba joog ah weeraro loogu khaarajiyay qaar ka mid ah xildhibaanada dawlada Federaalka, kuwaas oo ku nafwaayay weeraro lala beegsaday gudaha magaalada Muqdisho oo ay sheegatay Al-shabaab, wuxuuna Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia ku tilmaamay weeraradaa kuwo wadna-qabad ah oo dhabarjab weyn ku ah rajadii laga qabay in dowladda Xassan Sheekh shaqeyso.

“Tan iyo markii la doortay Xassan Sheekh waxaa sii badanayay xidhiidhka dowladda iyo dublumaasiyiinta caalamiga ah Soomaaliyana rajo ayay lahayd, balse waxa hadda socda ayaa niyad jab weyn ah”ayuu yidhi Mr. Nicholas Kay.

Waxa ka horeeyay weerarada lagu khaarajiyay Xildhibaanada weeraro Maalmo ka hor gudaha garoonka  Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee badhtamaha Soomaaliya lagu toogtay laba saraakiil caddaan ah oo u shaqeynayay Q.Midoobay, kuwaas oo balan la lahaa Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ee xaruntiisu tahay Garoowe.
Dhinaca kale waxa muuqada astaamo muujinaya in weerarada Al-shabaab sii kordheen deegaamo badan oo Koonfurta iyo Badhatamaha Somalia ah, kuwaas oo ay ka dhacayaan dagaalo toos ah oo u dhexeeya Ciidamada AMISOM oo kaashanaya ciidamada dawlada Somalia, waxayna dhamaan arrimahaasi meesha ka saareen rajadii laga qabay Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *