sifirHargeysa(Araweelo News Network)Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya Maxamuud Jaamac Sifir Ayaa Dalka Keenay Wafti Ka Socda Wasaaradda Arimaha Debada Kenya, kuwaas

 

oo Somaliland sidii ay uga furan lahaayeen Hargeysa Safaarad Uu Dalka Kenya Ku Yeelan Doono Somaliland, Weftigan Uu Horkacayo Safiirku Ayaa Maanta Ka Soo Dagay Maraadka Cigaal Ee Hargeysa.
Waftigan Ayaa La Filayaa Inay Maal Maha Soo Socda La Kulmi Doonaan Madaxweynaha Somaliland, Hase Yeeshee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Ayaan ilaa hadda wax war ah ka Soo Saarin Arintaas.
Dawlada Kenya ayaa hore u Shaacisay Inay Somalilanad Ka Furan Doonto Safaarad, taas oo xukuumadda Somaliland ka aqbashay, islamarkaasina lagu shaaciyay shirkii gola wasiirada ee isbuucii tegey,
Kenya ayaa danaynaysa xidhiidh dublo maasiyadeed oo ay la yeelato Somaliland waxayna xafiiskan  ku magcawday xarun dhinaca dublomaasiyada ah oo ay ku yeelanayso  Somaliland,  waxayna tani qayb ka tahay adkaynta hawlaha amaanka ee dalka kenya ka wado wadamada jaarka la ah, iyadoo  taniyo intii ay gudaha u soo gashay dalka aynu deriska nahay ee Somaliya oo ay geysay  ciidamo nabad ilaalin ah oo qayb ka ah ciidamada AMISOM, waxay  Kenya hadal haysay sidii ay somaliland ula yeelanlahayd xidhiidh dhow waxayna wadahadalo kula jirtay safiirka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador  Maxamuud Jaamac Sifir oo dedaal ugalay sidii safaaradan loo keeni lahaa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *