qaraxyada Naigeria1Abuja(Araweelo News Network)weeraro qaraxyo xidhiidh ah oo dhaliyay khasaare badab ayaa ka dhacay dalka Naigeria, weerarka hore ayaa ka dhacay magaalada Jos ee gobolka Plateau,

 

waxaana ku dhintay  ugu 13o qof, iyadoo tiro intaa ka badan la rumaysan yahay in ay ku dhaawacmeen. Kadib markii laba qarax oo daran-doori ah ka dhaceen halkaa.

Sidoo kale wax yar ka dib qaraxydaa weerar kale ayaa ka dhacay magaalo lagu magcaabo Alagarno, waxaana weerarkaa ku dhintay in ka badan labaatan qof, weeraradaa ayaa lala xidhiidhiyay kooxda Boko Haram, kuwaas dagaal dhuumaalaysi ah iyo weeraro qaraxyo ah sanadii u danbeeyay ku hayay xukuumadda Naigeria.

Boko Haram oo lala xidhiidhiyo kooxaha argagixisada ah, ayaa dhawr todobaad ka hor gobolka Borno ka afduubtay 230 gabdhood oo wax ka baranayay dugsi ku yaal halkaa, waxayna sadex todobaad ka dib baahiyeen muuqaalo muujinaya gabdhahaa oo qaatay diinta Islaamka, isla markaana qaadaya nashiidooyin diini ah.
Dawlada Naigeria ayaa ku guuldaraystay in wax ka qabato weerarada khasaaraha badan sababay ee kaga imanaya kooxda Boko Haram, waxaana bur-buray todobaadkii hore qorshe la doonayay in lagu soo furto gabdhahaa, kaas oo ay wadamada reer galbeedku doonayeen in ay ka caawiyaan Naigeria.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *