xuska18may13Hargeysa(Araweelo News Network) Jariiradda lagu magcaabo Think Afrika Press, ayaa qormo dheer oo ay kaga hadashay qadiyada Madaxbanaanida Somaliland ku sheegtay in la gaadhay xiligii

 

Dalalka iyo Dawladaha Maraykanka iyo Midawga Yurub qaadi lahaayeen tallaabo sax ah oo ay ku aqbalayaan qadiyada 23 jirsatay ee Somaliland.
Jariirada ayaa mawduuca ay ku qaadaa dhigtay qadiyada Somaliland oo u qoran qaab garnacsi iyo tallooyin ku waajahan beesha caalamka oo ka turjumaya xaqa ay Somaliland u leedahay xoriyada iyo madaxbanaanida ay martida uga tahay beesha caalamka ku sababaysay shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka Ururka midawga Afrika iyo qaramada Midoobay, waxayna mawduucaa ku beegtay laba maalmood ka dib dabaaldega sanad guuradii 23aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland lasoo noqotay madaxbanaanideeda.
Think Afrika Press, waxay ku bilawday mawduuca ay kaga hadlay qadiyada Somaliland sidan:- “Somaliland oo dadkeedu yahay 3.5 milyan qof, waxa ay qabsatay doorashooyin xor ah, waxa ay samaysatay dastuur, waxaanay ku naaloonaysaa nabad iyo degganaansho, waxaanay waxaasi oo dhan qabsatay iyada oo aan wax caawimo ah ka helin dibadda.
“Inkasta oo ay ku tallaabsatay guulahaasi, haddana waxa ay Somaliland loolan ugu jirtaa inay hesho aqoonsi dibloomaasiyadeed oo ah inay tahay dal madaxbanaan.
Tusaale ahaan, reer Galbeedku waxa inay u aqoonsadaan Somaliland dawlad madaxbanaan waxa ay uga cagojiidayaan iyaga oo ka dabin dhawraya inay ka hor dhacaan inta ay xubnaha Midawga Afrika (AU) sidaasi samaynayaan, waxaanay AU ku celcelisaa inuu dhigayo mid ka mid ah mabaadiida ururku in la ixtiraamo xuduudihii laga dhaxlay gumeysiga.
Hase yeeshee waxa uu leeyahay wargaysku arrintaasi AU ku andacoonaysaa waa mid aan sax ahayn, sababtoo ah ka dib 26 Juun 1960 kii dhulkan oo ahaa British Somaliland, ayaa xorriyadiisa qaatay isaga oo ah dawlad Somaliland ah.
Waxay ahayd dhawr cisho ka dib markii ay Soomaalidii Talyaanigu iyana qaateen xorriyadda 1 Julay 1960, ka dibna ay la midoobeen dawladdii Somaliland si ay u noqdaan Soomaaliyadii aynu naqaanay”.
Wargeyska waxa uu intaa ka dib qormadiisa ku soo qaatay wefdigii xaqiiqo raadinta ahaa ee yimid Somaliland 2006, waxaanu yidhi “xaqiiqdii 2006 wefdigii AU ee xaqiiqo raadintu waxa ay ku dhawaaqeen in meeqaamka Somaliland yahay mid gaar ah oo la jaanqaadaya taariikh siyaasadeedka Afrika”.
Waxaanay carrabka ku adkeeyeen in aan arrinta Somaliland lala xidhiidhin hal-ku-dheggii ahaa tusbax furmay “opening pandora’s box”.
Waxa uu intaa raaciyay, “xitaa haddii AU ballankeedu ahaa inay ilaaliso x uduudihii gumeysiga, waxa hubaal ah inuu jiro jid u oggolaanaya Somalilanders ka inay maanta go’aansadaan mustaqbalka siyaasadeed ee ay iska leeyihiin.
Haddii UK ay aqbalayso in afti loo qaado madaxbanaanida Scotland, maxaa u diidaya Somaliland in la siiyo fursad la mid ah?
Jariiradda Think Afrika Press oo ah mid online ah oo isku keenta qorayaasha Afrika iyo khubarada caalamiga ah, waxa ay ka hadashay wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu Turkigu dhexdhexaadinayo, waxaanay xustay in ay caddahay in aanay labada dhinac ku heshiinayn xidhiidhkooda mustabqal, waxaanay leedahay Muqdisho waxa ay ka sii dheggan tahay khiyaalka ah inay Somaliland tahay gobol ka tirsan dhulkeeda xitaa inkasta oo aanay waxbaba faro ku hayn, halka ay Somaliland u aragto madaxbanaanideeda mid aan noqosho lahayn, isla markaana ku cad cadahay inay banaanka ka joogto qalalasaha Soomaaliya.
Waxa kale oo ay jariiraddu kaga hadlaysaa qormadan dagaalkii qadhaadhaa ee lala soo galay rajiimkii Barre iyo khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee uu gaystay.
Waxaanay hoosta ka xarriiqaysaa inay dadka Somaliland si tartiib tartiib ah uga soo kabanayaan burburkii dagaalka ayna maanta tahay Hargeysa mid dib u dhalatay.
Hase yeeshee xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland uu yahay mid aan marnaba si buuxda dib ugu soo kabanayn.
Jariiraddu waxa ay ku doodaysaa y inay beesha caalamku ka duudsido Somaliland xaqa ay u leedahay inay go’aansato mustaqbalkeeda siyaasadeed, waxa ay dayacaysaa dib u dhalashada dhulkan iyo guusha ay ka gaadhay tirtirida budhcad badeeda.
Iyada oo sharraxaysa sababta ka dambaysa inay Somaliland u cadeyso qarannimo waxa ay soo qaadatay hadal madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu yidhi, “laga soo bilaabo 1960 ilaa 1991, waxa aanu fursad siinay midnimadii, waxayse ku dhamaatay burbur, waxaanan maanta mar kale dabbaqaynaa mustaqbalka aanu iska leenahay. Waxa aan u qalanaa fursada ah in aan fulinno rabitaankayaga”.
Jariiradda Think Afrika Press waxa ay qormadeeda ku soo afjartay, “xaqiiqdii, dadka Somaliland waxa ay u qalmaan inay go’aansadaan mustaqbalkooda siyaasadeed, dibna uguma sii dulqaadan karaan sannado hubaal la’aan ah meeqaamkooda qaran ahaan.
Waxaanay tallaabada Somaliland ee xorriyaddu ay ku salaysan tahay mabaadi la mid ah baaqyadii madaxbanaanida ee Ingiriiska iyo Faransiiska ee maxmiyadahoodii Afrika 1960 meeyadii”.
Waxa ay intaa sii raacisay “Somaliland 23 sano ka dib markii ay ku dhawaaqday xorriyadeeda haatan waa waqtigii Maraykanka, Midawga Yurub iyo Afrika ay samayn lahaayeen waxa saxda ah, ayna aqbali lahaayeen xalka keliya ee jiri kara, oo ah Somaliland xor ah oo madaxbanaan”.ayaa lagu yidhi qoraalka dheer wargeysku kaga hadlayay qadiyada Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *