xuska 18 may1

Hargeysa(Araweelo News Network)Hawlgalo la doonayo in kor loogu qaado dhinaca amaanka ayaa laga bilaabay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, kuwaas oo ay ciidamada

 

amaanku si weyn ugu baadhayaan gaadiidka iyo dadka shaaraxyada wadooyinka magaalooyinka, waxaana si gaar ah culays dheeraad ah oo dhinaca amaanka ah loo saaray Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

20130518_094057-1
Sidoo kale Madaarada dalka iyo xuduudaha laga soo galo ee muhuumka ah ayaa la adkeeyay si ka duwan sidii ay hore ahaayeen, isla markaana waxaa heegan galay tan iyo bilawgii bisha May ciidamada amaanka, kuwaas oo baadhitaano iyo feteshaad ku samaynaya gaadiidka iyo dadka isaga goosha dalka, kuwa soo gelaya iyo kuwa dhexmaraya magaalooyinka.
Munaasibada 18 May oo sanad walba si weyn looga xuso Somaliland, ayaa u muuqata in ay sanadkan ka abaabul duwantahay kuwii hore bishan oo kale loo xusi jiray, waxaana muuqada muuqaalo iyo dhaqdhaqaaqyo saadaalinaya in sanadkan xuska sanadguurada 23aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland dib ula soo laabatay xoriyadeedii 18 May 1991. Kadib shirweynii magaalada Burco ee lagaga dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland., iyadoo waqtigaa ay ka guulaysteen xoogagii hubaysnaa ee SNM taliskii milateriga ahaa ee Maxamed siyaad Bare oo xukumayay dalwadii Somalia ee ay Somaliland la midawday afar maalmood ka dib markii ay gobinimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Britain 26 Jun 1960.

20130518_093917
Xuska 18 May ee sanadkan ayaa wata xamaasad iyo xiiso gaar ah, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo hore ugu dhawaaqay in 18 May marka la gaadho munaasibadaa qaadhaan loogu ururinayo dhismaha wadada dheer ee isku xidhay Gobolka Sanaag iyo Togdheer, taas oo xukuumadda Somaliland bilawday, isla markaana munaasibada sanadkan ee 18 May noqonayso mid dib u dhiska dalka looga faa’idaynayo oo dhinaca waxqabadka dhismaha wadooyinka lagu bartilmaameedsanyo si dhaqaale loogu helo dhismaha wadooyinka, gaar ahaan wadada Ceergaabo, taas oo xiise gaar ah iyo xamaasad u samaysay xuska sanadkan ee 18 May.

20130518_101258Magaalooyinka waaweyn waxa muuqda astaamaha lagu xardhay Calanka sadexda midab ee Tawxiidka lagu xardhay oo suuqoodu xaami noqday, isla markaana waxa jira astaamo kale oo lagu sharxay calanka iyo weedho ka hadlaya munaasibada 18 May iyo qiimaha ay ugu fadhido bulshada maalinta qaranimada Somaliland oo dhalinyarada iyo dadka kale ee caadiga ah durba hore usii qaateen, kuwaas oo ka cabsiqaba in ay marka la gaadho xuska munaasibada waayaan.

Gaadiidka ayaa sidoo kale lagu xardhay astaamaha qaranka Somaliland ee uu ugu horeeyo Calanka sadexda midab leh iyo istiikaro ay ku sawiran yihiin madaxweynayaashii soo maray Somaliland 23kaa sanadood ee ay jirtay, waxa la bilaabay dhawaaqyada heeso wadani ah oo meel walba kusoo dhacaya dhegahaaga, maaha abaabulka iyo diyaargarawgu mid ka yimi xoogag dabada ka riixaya, balse waa mid xamaasadaysan oo qof walba iskii ugu talaalan.

Xukuumadda Somaliland ayaa wufuud u kala dirtay meelo badan oo dalalka dacalada dunida sida dalalka  Yurub iyo Maraykan, kuwaas oo bulshooyinka Somaliland eek u dhaqan kala qaybgelaya munaasibadaa oo laga xusayo dacalada dunida oo dhan, isla markaana di weyn looga dareemayo abaabulkeeda.

Dhalinyaro isku xardhay Calanka Somaliland xuska 22 guurada 18 May
Sidoo kale diyaargarawga iyo abaabulka baaxada leh ee munaasibada 18 May sanadkan kaga duwantahay kuwii ka horeeyay, waxa laga dareemayaa shebkaddaha dhinaca internetka ee loo yaqaan Soceil Media, waxaana shebekada Facebook boqolaal kun Somaliland u dhashay oo u badan dadka ku dhaqan daafaha dunidu ku sharaxeen halku dhegyo iyo astaanta Calanka jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan weedho lagu xardhay boodhadh kusoo jiidanaya, kuwaas oo lagu qoray ereyo dareenka iyo shucuurta dadkaa ka turjumaya, isla markaana kusoo jiidnaya, kuwaas oo ka hadlaya qiimaha ay maalintan 18 May u leedahay bulshada Somaliland sida ay ugu qanacsan yihiin xuska maalintaa iyo in la weyneeyo.

Si kastaba ha ahaatee sanad guurada 23aad ee 18 May wuxuu sanadkan u muuqdaa mid loo balamay oo si weyn uga xamaasad iyo diyaargaraw duwan kuwii hore loo qaban jiray tan iyo markii Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeeda 18 May 1991, ee ay ku dhawaaqday in ay tahay qaran madaxbanaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *