images/stories/dab-150×150.jpg Muqdisho (ANN)Qaraxyo iyo dagaallo maanta ka dhacay gudaha afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa keenay  khasaare  weyn. Kadib marii koox hubaysan oo wadata laba gaadhi oo yar yari weerar ku qaadeen halkaa, iyadoo

ay wararku sheegayaan in labada gaadhi midkood u suurta gashay inuu toos u gala albaabka hore ee madaarka, kaas oo si fudud u dhaafay kaantaroolka halkaa. Kadibna isku qarxiyay madaarka oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.
sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya halkaa Qaraxyada  oo ahaa kuwo loo adeegsaday Gaadhigaa oo   laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay Albaabka hore ee Garoonka Muqdisho oo fadhiisin  weyn u ah ciidamo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda oo magaca Nabad ilaaliyaal ku jooga magaalada Muqdisho.
Gaadhiga labaad ayaa wararku sheegayaan inay la socdeen koox hubaysan oo lagu qoiyaasay ilaa shan qof. Sida uu Idaacada VOA u sheegay gudoomiye xigeenka degmada wadajir Xuseen Bootaan oo waqtigaa ku sugnaa madaarka, kuwaas oo sida uu sheegay markii gaadhiga hore is qarxiyay ay ka degeen kooxdaa hubaysani. Kadibna ay rasaas bilaabeen.
Masuulkaa ayaa sheegay in laba ka tirsan ciidamada AMISOM iyo mid ka tirsan ciidanka Bilaysku halkaa ku dhinteen.
Qaraxyada kadib ayay gudaha Garoonka galeen dagaalyahano hubaysan oo ku labisnaa Dareeska Ciidanka Dowladda KMG ah waxaana gudaha garoonka ka dhacay dagaal qaraar oo hubka nuucyadiisa kala gedisan laysku adeegsaday.
Goob jooge ku sugnaa Garoonka xiligii ay wax dhacayeen ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay in qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen gudaha Garoonka diyuuradaha marka lagasoo tago qaraxyada gaadiidka loo adeegsaday ee Albaabka Garoonka ka dhacay.
Qofkan Goob joogaha ah ee BBC la hadlay ayaa faah faahiyay wixii uu ku arkay gudaha Garoonka wuxuuna sheegay in uu Arkay Maydadka Ciidanka Uganda, Gacma go’go’ay oo katirsan Ciidanka AMISOM.
Khasaaraha qaraxyadaa ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen dad rayid ah, isla markaana si cad looma oga khasaaraha dhabta ah ee gaadhay ciidmada nabad ilaalinta ee ku sugan halkaa. Wuxuuna qaraxu kusoo beegmay xili ay halkaa ku sugnaayeen wefdi ka socda qaramada midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan inay daqiiqado ka hor ka duuleen garoonka
Weerarkan ayaa fashil weyn ku ah Howlgalka Ciidanka AMISOM ee Muqdisho waxaana lays weydiinayaa  sida ay ku suura gashay in Xoogag Hubaysan ay qaraxyo iyo dagaal ku qaadaan Garoonka Muqdisho oo si weyn loo ilaaliyo.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *