Washington (ANN) Baaderi Maraykan ah oo masuul ka ah kiniisad ku taal dalka Maraykanka, gaar ahaan Gobolka Florida, ayaa ku dhawaaqay arrin fool xummo iyo halis hor leh ka dhex dhalin karta dadka Muslimiinta ah iyo reer Galbeedka ka dib markii uu ku baqay in 11-ka September ee bishan aynu ku jiro lagu gubo kitaabka quraanka kariimka

 goobihii ay ku burbureen daarihii lammaanaha ahaa ee ganacsida aduunka oo la qarxiyey sannadkii 2001
Baadariga reer Florida ee keenay hindishan in Quraanka la gubo ayaa sheegay in isaga iyo taageerayaashiiba ay ka go’antahay tallaabada ay doonayaan inay ku gubaan kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo qoshohooda bannaanbaxyo shucuubta  Islaamka lagaga soo horjeedo.
Dhawaqa ka soo yeedhay ninka Baaderiga ah ayaa si weyn uga cadhaysiiyay muslimiinta  dalal badan oo Islaam ah, kuwaas  oo ku hanjabay inay tallaabo muuqata qaadan doonaan haddii falkaasi dhaco, waxaana  la filayaa haddii ay dhacdo talaabadaasi inay saammayn xoog leh oo ku yeelan doonto xidhiidhka reer Galbeedka iyo dalalka Islaamka, islamarkaana horseedi doonto qalalaase  iyo go’aanno aargoosi ah oo ay ku kici doonaan mallaayiin Muslimiin ah oo ku kala nool daafaha caalamka.
Maamulka Madaxweyne Obama ayaa ku tilmaamay arrin xumaan abuuraysa,  isla markaana aan ka turjumaynin dhaqanka Maraykanka, Qorashaha uu soo jeediyay Baadariga  Maraykanka  ah ee ku nool Gobolka Florida,  kaasi oo ay isaga iyo taageerayaashiisu  doonayaan in xuska maalinta 11ka September la gubo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.
Iyadoo Maamulka Madaxweyne Obama war uu Salaasadii ka soo saaray arrintaa u adeegsaday hadaladii ugu kululaa ee ay mas’uuliyiinta Maraykanku gefka kasoo yeedhay Baadariga ka yidhaahdaan ilaa imika.

Sidoo kale haweenayda wsiirka  arrimaha debeda ee maraykanka Hilary Clinton  ayaa qorshaha baadariga ku tilmaantay talaabo ixtiraamdaro ah oo aan la aqbali karin, isla markaana Wasaardda arrimaha debedda ee Maraykanku, waxay  shaaca ka qaadday inay ka walaacsantahay halista ay aarrintaasi ku keeni karto nolosha askarta iyo Dublamaasiyiinta iyo weliba dalxiisyaasha Maraykanka ah ee ku sugan dalka Dibaddiisa.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka P.J. Crowley ayaa ku tilmaamay qorshaha uu hindisihiisa lahaa baadari ka tirsan kaniisadaha Gobolka Florida oo lagu magacaabo Terry Jones oo ugu baaqay taageerayaashiisa in ay gubaan kitaabka Qur’aanka Kariimka ah maalinta 11ka Sep, ayaa waxaa uu afhayeenku ku tilmaamay inay tallabadaasi tahay mid naxli xambaarsan oo aan haboonayn. Sidaa awgeed  aan loobaahnayn  in lagu dhaqaaqo talaabadaa.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee maraykanka Mr Crowley, ayaa sheegay in gusbita kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ay sii hurinayso xagjirnimada.
Crowley ayaa sheegay in haddiiba ay dhacdo in kooxdaasi ay Qur’aanka gubaan, in uu filayo in ay dadka aduunweynaha ku nooli ay fahmi karaan in waxani aanu ahayn arrin ay oggolyihiin shacbiweynaha Maraykanku isla markaana aan isir ku lahayn dhaqanka suubban iyo wada noolaanshaha diimaha ee waligeedba lagu yiqaanay dadka Maraykanka ah .
Saraakiil kale oo ka tirsan  Madaxda Maraykanka ayaa sheegay in Baadariga reer Florida iyo taageerayaashiisu aanay ku xadgudbaynin dastuurka haddii ay gubaan Quraanka,  waxayna ku andacoodeen oo  ay sheegeen  in hadda ka hor dadka ka soo horjeeday dagaalada uu Maraykanku ku jiro mudaaharaadyo ay dhigeen ku gubeen Calanka qaranka Maraykanka.
Balse  Mas’uuliyiinta Maraykanku waxay tilmaameen  inay rajaynayaan in kooxdaasi kaniisdda ku xidhan ay garwaaqsan doonaan halista ka dhalan karta falkaa ay ku kacayaan, isla markaana ay heli doonaan siyaabo kale oo ay ku muujiyaan cadhadooda iyaga oo aan ku taalbsan falkan oo keeni kara mudaaharaadiyo Maraykan nacayb ah iyo falal gacan ka hadal ah oo ka dhaca dacalada dunida.  sidoo kale Taliyaha ciidamada maraykanka ee ku sugan Afgaanistaan ayaa si weyn uga qayliyay arrintaa, isagoo sheegay inay abuurayso cadaawad maraykan nacayb ah, isla markaana ay fursad weyn siinay kooxaha ay dagaalka kula jiraan Daalibaan iyo Al-qaacida. 

Malaayiin  shucuubta dadweynaha dalalka Islaamka ah , ayaa iyaguna maanta isu  soo baxyo ballaadhan oo ka dhan ah gefka iyo aflagaadada  Baadariga  ka sameeyay meelo badan oo dalalka Islaamka ah, kuwaas oo ay hormood u yihiin muslimiinta Caasimadaha  Jakarta iyo Tehran, waxayna shucuurtooda ku muujiyeen  sida ay uga cadhaysan yihiin weedhaha gefka ah ee kasoo yeedhay Baadariga maraykanka ah, iyagoo ku fariimo digniino  culus xanbaarsan  u diray wadamada  Reer galbeedka.
Haddii ay suurtagal noqoto go’aanka lagu gubayo kitaabka Quraanka Kariimka ah, waxaa la saadaalinayaa inay dadyowga iyo dalalka Islaamku muujin doonaan jawaabo aan laga soo waaqsan doonin oo khatar badan abuuri doonta, kuwaas oo galaafan doona xidhiidhka iyo xadaaradaha dhaqamada bulshooyinka aduunka, isla markaana si fudud horseedaya dagaalo diimeed oo dhexmara islaamka iyo Kiristaanka.
Dhawaaqa aflagaadada ah ee kasoo yeedhay Baadariga ayaa kusoo beegmay xili ay mujtamaca Islaamku ku jiro maallmihii u danbeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana u diyaar garoobayaan munaasibada Ciidda, taas oo ku beegan maalinta 10 Sep, 2010 ee Jimcaha, balse shucuubta Islaamka ee ku dhaqan marekanka ayaa munaasibada maalinta ciiddul Fitri ku beegantay 11, Sep, oo ah maalinta Sabtida, iyadoo dalka maraykanka laga xuso sanad kasta dhacdadii sep, 11, taas oo ah maalinta uu Baadarigu ku dhawaaqa  gefka iyo Aflagaadada ah ku sheegay inuu xuska maalintaa oo ku beegantay maalin Shucuubta Islaamka ku jiraan dabaaldegyo farxadeed iyo damaashaad ku gubi doono xuska goobta laga burburiyay labadii dhisme ee caanka ahaa.
Si kastaba ha ahaatee Aflagaadada iyo talaabada qorshaha uu ku baaqay baadariga maraykanka ah ayaa u muuqata mid ku fadhida xisaab iyo istiraatiijiyad hor leh, taas oo shucuubta Islaamku durba u diyaargaroobeen jawaabtii ay ka bixin lahaayeen haddiiba uu la yimaado baadarigu qorshahaa gefka iyo meel ka dhaca ku ah muslimiinta dunida, iyadoo Muslimiinta ku dhaqan cariga maraykanka oo maalintaasi  ku beegantahay ciidooda ay   indhaha ku hayaan masuuliyiinta Maraykanaka oo sugayaan waxa dhaca maalintaa 11 Sep 2010.    
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *