Hargeysa(ANN) Asalaamu calaykum, wa-raxmatulaahi wa barakaatu, CIID Mubaarik, CIID Wanaagsan, kula caam wa antum bikhayr. Sidaa waxa lagu yidhi war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland oo Maxadweyne Axmed Siilaanyo kaga hadlay go,aanka mudo kordhinta ee golaha guurtida iyo  arrimo badan oo kale.

“ILAAHA WEYN baa mahad leh, waxa mahad gaar ah leh ILAAHA inagu galladay nimcooyinkiisa aan la soo koobi Karin ee ay ka mid tahay soonka bisha barakaysan ee Rammadaan iyo farxada CIIDA aynu ku damaashaadayno. ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu sanadka sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu acmaasheeni suubanayd ee bisha Rammadaan innaga aqbalo. Aamiin.. Aamiin.
Walaalayaal, aniga oo ka faa’iidaysanaya munaasibada CIIDA barakaysan, waxaan idiin soo jeedinayaa inaynu dhammaanteen isa-saamaxno, saamax-naakum.
Maalintii xilkan culus la ii dhaariyey, waxa laga joogaa 43-maalmood oo keliya. xukuumadan aan madaxda ka ahayna waxay mudadaas yar xaqiijisay wax-qabad mug leh oo aan lagaga masuugi Karin;
Waxyaabaha inoo qabsoomayna waxa ugu mudan adkaynta nabadgelyada oo muhiim ahayd, maadaama uu dalku galay marxalad kala guur ah oo ay laba maamul kala wareegeen.
Waxaanu ku guulaysanay in aanu bixino dayntii ay xukuumadii hore ka tagtay ee mushaharooyinka shaqaalaha iyo Ciidamada oo dhawr bilood ahayd, taasoo caqabad weyn ku ahayd wax-qabadka xukuumadda ee boqolka maalmood ee ugu horeeya. Waxa xusid mudan in aanay ilaa imika mushahar iyo gunno toonna qaadan Wasiirada xukuumada cusub iyo goleyaasha Baarlamaanku, oo aanu ka fuudhyeelnay shaqaalaha iyo Ciidamada.
Waxa meel wanaagsan maraysa hawshii dhamaystirka biriishka Hargeysa ee qabyada ahaa oo aan ku kalsoonahay in boqolkan maalmood gudahooda lagaga faraxalan doono.
Sidoo kale, waxa maalmaha soo socda la bixin doonaa qandaraaska dhismaha wadadii Dilla iyo Boorama
Guud ahaanna, hawlihii xukuumadda u qorshaysnaa boqolka maalmood ee u horeeya 60% waa wax gacanta lagu hayo oo socda iyo wax la fuliyey oo dhammaaday.
Walaalayaal, waxaan munaasibadan CIIDA ee farxadda leh u mahadcelinayaa wax-garadka iyo madax-dhaqameedka ka soo jeeda Gobolka SOOL ee aqbalay gogoshii nabada ee aan u fidiyey, mar labaadna waxaan ugu yeedhayaa Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedyada hadhay inay ka soo qayb galaan. Anniga oo arrinkan amba-qaadaya waxaan u saaray guddi, waxaanay maraysaa meel wanaagsan oo aan ku rajo weynahay in ay midho-dhal noqon doonto.
Waxaynu wada ognahay in ay muddadii xilka ee xildhibaanada Baarlamaanku ku buuxdo dabayaaqada bishan aynu ku jirno.
Haddaba, si aynu u qiimayno suurtagalnimada in ay doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, waxaanu dhawaan isagu yeedhnay oo aanu arrintaa talo qaran ka yeelanay Hoggaamiyayaasha Xisbiyada (mucaarid iyo muxaafidba), Komishanka Doorashooyinka iyo Shir-guddoonada labada Golle ee Wakiillada iyo Guurtida.
Markii la rogrogay ee dhinac walba laga eegay duruufaha ku xeeran doorashooyinka goleyaasha.
Markii la arkay in ay maalmo yari inaga xigaan doorashadii Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida) oo ku beegan bishan aynu ku jirno.
Markii la tix-geliyey dhaqaale xumida ay ku soo beegantay xukuumada cusubi iyo in ay qoyan tahay oo uu dalku muddo yar uun ka sokeeyey Doorashadii Madaxtooyada.
Markii la arkay qabyada ka jirta shuruucdii lagu dooran lahaa Goleyaasha, waxa lagu qancay in aanay suurtagal ahayn in ay doorashada Baarlamaanku wakhtigeedii ku dhacdo oo ay ina soo gudagashay.
Sidaa awgeed, aniga oo raacaya waajibkayga dastuuriga ah, ayaan warqad u qoray Golaha Guurtida aan ku war-gelinayo daruufta ku xeeran doorashooyinka Goleyaasha iyo inay waajibkooda ka gutaan, waxaanan filaayey sidii caadada ahayd in marka ay warqadaasi gaadho ay u yeedhan doonaan dhinacyada kale ee ay arrintu khusayso ee Xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka, dabeedna ay rayigooda dhagaysan doonaan, markaa ka dibna ay go’aan ka gaadhi doonaan. Nasiib daro, arrintaas wey il-duufeen oo sidii saxa ahayd may yeeline ee waxay soo saareen go’aan muddo kordhintiisu ay aad u dheer tahay, taasoo u baahan inay dib-u-eegis ku sameeyaan. Anigu waxaan u arkaa in uu go’aankani dhaawacayo geedi-socodkii dimuqraadiyadda dalka. Sidoo kalena, waxaan ku qanacsanahay in doorashooyinkan la qaban karo wakhti ka horeeya xilliga ay u jaan-gooyeen Golaha Guurtidu. Sidaa awgeed, aniga oo mar labaad tix-gelinaya talooyinka ay soo jeediyeen saddexda Xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku waxaan leeyahay Gollaha Guurtida aynu Arintan isaga nimaadno.
Maalmahanba waxa inagu soo duul-duulayey hadal haynta furitaanka ururada siyaasadeed. Arrintaa waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo in aanu mabda’ ahaan halkii ka taaganahay sidii aanu horeba u balanqaadnay oo aanay waxba iska bedelin aragtidayadii ahayd in la furo Ururada Siyaasada, si waafaqsan Xeerarka dalka, fulinteeduna waxay u baahan tahay talo qaran iyo in lagaga arrinsado.
Haddaba, muwaadiniinta degdegsanaya ee maalmahanba su’aasha qaba, waxaan leeyahay mawqifkeenu waakii oo wax iska bedelay ma jiraane ku qanca.
Xukuumadani iyada oo halkii ay taagnayd ka sii ambaqaadaysa, waxay ku dedaashay oo ay xoojinaysaa adkaynta xidhiidhka wanaagsan ee inaga dhexeeya Wadamada deriska ah ee Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya oo aynu wadaagno waxyaabo badan oo jiritaanka qaramadeena gobolka muhiim u ah, sida nabadgelyada iyo ganacsiga, dhawaana Insha Allaahu waxaan u baxayaa safar aan ku tagi doono Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya oo aan marti-qaad ka helay.
Waxaan Shacbigayga ku ammaanayaa sida ay u illaashadaan nabadooda iyo dalkooda tacabka badan ee naf iyo maalba lihi ka galay, ee mustaqbalkooda iyo ka ubadkooduba ku jiro inay dedaalka halkaa ka sii wadaan oo feejignaadaan.
Mandaqadda aynu ka midka nahay, waxa ku xeeran duruufo nabadgelyo darro oo badan, markaa gacmaha aynu is-qabsano xukuumad iyo dadweynaba oo isu qabsano difaaca Dalkeena Hooyo.” Ayaa lagu yidhi qoraalka war saxaafadeedka madaxtooyada.
Dhinaca  kale Shir-guddoonka Golaha guurtida Somaliland iyo Xildhibaano ka ka tirsan Golahaa ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen  Magaalada Hargeysa si kulul ugu u weeraray go’aankii ay shalay ku diideen hogaamiyeyaasha saddexda xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku muddo kordhintii golaha Guurtidu sameeyey.
Shirkaa jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha Guurtida Somaliland  Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre iyo Siciid Jaamac Cali waxay ku  sheegeen  in cayimada qabsoomida doorashada ay awood dastuuri ah u leeyihiin golaha guurtidu, isla markaana heshiiskii ay shalay wada gaadheen xisbiyadda siyaasada iyo komishanku aanay waxba ka jirin, sidaa  awgeed  go’aankooda lagu dhaqmayo.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guurtida Sheekh Axmed Fure oo ah ku simaha Guddoomiyaha ee golaha guurtida  ayaa yidhi “anagu markii aanu go’aanka gaadhnay maalin kaliya kumaanaan gaadhin ee muddo todobaad ah ayaanu rogrogaynay, khalkhal in aanu dalka galinana umaanan jeedin, mana joogno waqti dalka iyo Ummadaba khilaaf siyaasadeed ay  geliyaan,  maadaama dhawaan doorasho laga soo baxay waxaanu isnidhi dalku hadda doorasho qaadi kari maayo.”
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in komiishanka doorashooyinka qaranka aanay xaq ulahayn inay eedamayo u jeediyaan  aqalka guurtida oo ah kan awooda distuuriga ah u leh mudo kordhinta.
Wuxuuna intaa ku daray in  ka hor intii  aanay gaadhin go’aanka muddo kordhinta ay qoraalo tallo bixin ah ka heleen labada xisbi mucaarid iyo komishanka doorashooyinka, isagoo yidhi “xisbiyadda UDUB iyo UCID iyo komiishankaba tallo bixino ayaanu ka helnay inkasta oo ay shalay yidhaahdeen muddo kordhinta talo kumaanu lahay.  Sidaa  uu yahay ayaana  lagu qaadanayaa, waana go’aan dastuuri ah oo ay meel mariyeen 65 xildhibaan.”
Dhawaaqa kasoo yeedhay shir gudoonka golaha wakiilada ayaa muujinaya muran iyo khilaaf siyaasadeed oo kusoo wajahan Somaliland, waxaana jira warar sheegaya inay xuukamada madaxweyne Siilaanyo u gudbisay go,aanka golaha maxkamadda dastuuriga ah, balse qoraalka kasoo baxay madaxtooyada ee lagaga hadlay arrimahaa iyo kuwo kale ayaan lagu sheegin inay xukuumadu u gudbisay go,aanka golaha guurtida ee muda kordhinaha maxkamadda dastuuriga ah. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *