Sheffield City Council to Vote on Recognising SomalilandLondon(Araweelo News Network)Golaha Degaanka magaalada Sheffield City ee dalka Britain ayaa la hordhigi doonaa mooshin lagu dalbanayo in aqoonsi caalami ah loo fidiyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo

wasiirro iyo masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsan ka qaybgeli doonaan kulanka mooshinkaas lagaga doodayo Arbacada berri.

Sheffield1Mooshinka xambaarsan aqoonsiga Somaliland, waxa diyaariyey xildhibaan Mohammad Maroof oo xubin ka ah Golaha Degaanka Sheffield City, kaasoo si xooggan loogu sharraxay taariikhda Somaliland, hannaanka dimoqraadiyadeed ee ka jira, isla markaana muujinaya inay buuxisay dhammaanba shuruudaha dawladnimo ee dalka lagu aqoonsan karo, sidaa darteedna loo baahan yahay in Jamhuuriyadda Somaliland loo aqoonsado qaran madaxbannaan oo kursi ku yeesha Qarammada Midoobay.

 

Wasiirradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Macdanta iyo Tamarta Xuseen Axmed Ducaale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro iyo masuuliyiin ka socda jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Boqortooyada Midawday ee Uk, ayaa ka qaybgeli doona fadhiga Golaha Degaanka Sheffield ee lagaga hadli doono aqoonsiga Arbacada berri oo taariikhdu tahay 02 April 2014.

Golaha degaanka magaalada Sheffield, ayaa la filayaa inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland, iyadoo arrintaasi aanay ka dhignayn in dawladda Ingiriisku aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, balse mawduuca ictiraafkaasi waa mid ku kooban Golaha Degaanka Sheffield, taas oo noqon doonta iftiin yar oo u baxay Ololaha Somaliland ugu jirto inay aqoonsi buuxa kaga hesho beesha caalamka.

Golaha Degaanka magaalada Sheffield City oo ka kooban yahay 84 xildhibaan oo aqlabiyadda ugu badan ka soo jeedaan xisbiga Labour-ka ee Ingiriiska, kaasoo 60 xubnood ku leh golahaas, halka 22 mudane ka soo baxeen xisbiga Liberal Democratic, iyadoo  laba kalena ka soo jeedaan xisbi yar oo dalkaas ka tirsan.

Waxa kale oo degaanka Sheffield lix mudane ku leeyahay baarlamaanka Ingiriiska, lix kalena Baarlamaanka Midowga Yurub, iyadoo arrintaasina muujinayso muhiimadda iyo saamaynta degaanka Sheffield ku leeyahay gudaha Britain iyo guud ahaan qaaradda Yurub, waxaannu aqoonsiga Somaliland ee Golaha Degaanka Sheffield faa’iido u leeyahay inay saaxiibbo xooggan ku yeelato gudaha Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Dhinaca kale, aqoonsiga Somaliland ee Golaha Degaanka Sheffield City, ayaa la filayaa inuu saamayn ku yeesho, isla markaana farriin siyaasadeed u diro xisbiga Labour Party oo xildhibaannada ugu badan ku leh, xisbigaasoo ay ka soo jeedaan ra’iisal-wasaarayaashii ugu dambeeyey ee Mr. Tony Balair iyo Gordon Brown, xisbigaasina hadda waa mucaarad, waxana hoggaamiya Mr. Ed Miliband oo xubin ka ah baarlamaanka Ingiriiska.

Magaalada Sheffield City oo dhul ahaan ku fadhida bed dhan 367.9 km², waxa ku nool dadweyne tiradoodu gaadhayso 551,800, iyadoo afartii sanno hal mar doorashooyinka golayaasha degaanku ka dhacaan guud ahaanba dalka Britain.

Dadweynaha reer Somaliland, ayaa aad ugu dhegtaagaya natiijada ka soo baxi doonta mooshinka la xidhiidha aqoonsiga ee Golaha Degaanka Sheffield ka doodayo maalinta Arbacada berri oo loo balamay.

Tallaabadan ayaa si weyn u rajo iyo yididiilo gelisay kumanaan bulshada Somaliland oo ku nool dacalada dunida iyo sidoo kale malaayiin bulshada Somaliland ah, kuwaas oo dhawraya ama u dhegtaagaya dhawaaqa iyo natiijada kasoo baxda.

 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *