Muqdisho(ANN)laba qarax oo ismiidaamin, ayaa  caawa isku mar ka dhacay huteel Village oo u dhaw tiyaatarka magaalada Muqdisho. Qaraxyadaa waxaa ku dhintay ilaa inta la ogyahay 15 qof , iyadoo  in ka badan labaatan qof oo kale ku dhaawacmeen.

Waraka hordhaca ah ayaa sheegaya inay  qaraxyadaa fuliyeen laba qof oo ismiidaaminayay, kuwaas oo la beegsaday Huteelkaa ay xiligaa  ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah oo u badan dad qurbajoog ah, suxufiyiin iyo saraakiil ka kala tirsan dawladda iyo baarlamaanka. Dadka dhintay waxa la ogyahay inay ku jireen sadex suxufi  ka tirsanaa  idaacadaha iyo telifishannada.

Dhinaca kale weeraro xalay ka dhacay magaalada muqdisho kadib markii hoobiyayaal lagu garaacay dagmooyinka Shibis iyo Boondheere oo u dhow Madaxtooyada waxa ku nafwaayay dhawr qof, iyadoo  ay ugu yaraan 10 ruux oo rayyid ah dhaawacyo soo gaadheen. Hoobiyayaasha xalay lagu garaacay xaafadahaa waxa dadka ku dhintay ka mid ahayd  hooyo umul ahayd. Dawlada ayaa ku eedaysay Al-shabaab inay ka danbeeyeen madaafiicdaa dadka rayidka ah lagu weeraray xalay saqdii dhexe, balse Al-shabaab waxay sheegeen inay weerareen Madaxtooyada oo aanay shaqo ku lahayn madaafiicda sababtay dhimashada iyo dhaawaca dadka shicibka ah ee xaafadaha Shibis iyo Boondheere.

Weerarada is miidaaminta ah ee caawa ka dhacay muqdisho iyo madaafiicda xalay lagu cashariyay xaafadaha xili ay dadku hurdeen, ayaa cabsi iyo wer wer ku abuuray bulshada dadka shicibka ah oo mudooyinkan dareemayay deganaansho, waxayna weerarada caawa dhacay ee qaraxyadu daba socdeen, iyadoo Toddobaadkii horena  weerar nooca  oo kale ah lagula kacay Huteel Jazeera oo ku dhaw garoonka diyaaradaha, halkaas oo uu ku sugnaa madaxweynaha cusub ee dhowaan la doortay  Xassan Sheekh Maxamuud.
Ururka Al-Shabaab ayaa ka baxay magaalada bishii August ee saandii 2011, balse tan iyo mudadaa ka dhacay dhawr qarax oo is miiddaamin ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *