Hargeysa(ANN) Gudoomiyihii Urur siyaasadeedka Nasiye Axmed Muxumed Cumar oo Ururkiisu ka hadhay doorashada golayaasha deegaanka Somaliland. kadib markii uu awoodi waayay dhamaystirka musharixiinta golayaasha deegaanka dalka, ayaa si kulul u dhaliilay hogaaminta

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo siyaasada xukuumadda ee ku waajahan arrimaha debeda, wuxuuna usoo jeediyay Madaxweynaha haddii uu wadi kari waayay hawsha xafiiska  inuu awooda ku wareejiyo madaxweyne xigeenka lala doortay.
Gudoomiyihii Nasiye Axmed Muxumed wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu caawa kasoo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliilo badan dusha kaga saydhay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuuna qoraalka uu arrimahaa kaga hadlay ku yidhi sidan:-  “Aniga oo aad  u garanaya inaanu ka soo jawaabi doonin war saxaafadeedkaygan  cida  ay tooska u khusayso oo ah Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sababta oo ah waxaan ogahay,  ama aan ka warqabaa inaanu hada akhrisan wax joornaal ah ama aanu daawan wax Telifishan ah laakiin cidi ay inta uu ka raalida yahay uun u sheegto  hadana waxaan uga dan leeyahay aniga oo gudanaya waajibaad iyo Masuuliyada I saaran inaan dadweynihii codka bixiyay dareensiiyo sida xaalka hogaanka yo Maamulka sare ee dalku yahay si ay iyaga isugu dayaan inay xaqiiqada soo taabtaan

Tan iyo Intii ay Soomaliland Dawladnimadeeda dib ugala soo noqotay Somalia waxaa hogaanka Jamhuuriyadan Somaliland  isaga dambeeyay Dawlado ay kala hogaaminyaan shaqsiyaad kala duwan oo midkastaa lahaa waxqabadkiisa maamul iyo dhaliilihiisaba, Iyada Jamhuuiriyadani soo martay maalmo sanado xanuun badan oo ay ka soo gudubtay duruufo Siyaasadeed,dhaqaale iyo Amni oo aad u qalafsan  hadana ma jirto maalin ay Qaranimada iyo gooni isu Taaga Soomaaliland ay ka werwer badan tahay labadii sandood ee ugu dambeeyay ee ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Hogaamiyaa ay Talada dalka Haysay

Hadii waxooga dib u Milicsado tan iyo waqtigii  ay bilaabmeen wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya oo aanay xukuumada Soomaliland ka lahayn barnaamij jihaysan oo saldhig u noqonaya in lagu hago wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo aan ahayn inay ku faraxsan yihiin waxaanu wada hadalnay Somaliya, Laakiin dhinaca kale waxaa markhaati ma doonta ah inay Hogaamiyaasha Soomaaliya aanay marnaba qarsan Aragtidooda iyo Qorshahooda ku wajahan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxaanay mar kasta iyo meel kastaba kaga dhawaaqayaan in Somaliland lagu qanciyay Midnimada Somalia lagana soo weeciyay wadadii Gooni isku Taaga

Tan waxaa markhaati cad ka ah hadii aad daawanayseen xafladii caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya khudbadihii ay ka jeediyeen Madaxweynihii hore Sh Shariif Sh Axmed iyo Madaxweynaha Cusub Xasan sh Maxamuud

Hadii aan soo qaato khudbada Madaxweynaha cusub marka ka hadlaayay mawduuca wada hadalada Somaliland iyo Somalia waxaa uu yidhi (si dib loogu soo celiyo midnimadii Somaliya waxaanu halkii ka sii wadaynaa wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya, marnaba ula tegi mayno xoog ciidan iyo mid diblomaasiyadeed laakiin waxaanu keeni doona iyaga oo raaliya ?

Dhacdooyinka dadweynaha layaabka ku noqday waxaa ka mid ahaa kulankii uu madaxweynaha JSL la yeeshay Madaxweynaha Somaliya ee ka dhacay Dubai oo ay inta badan la filaayay in uu Madaxweynaha Somaliland qodobo iyo shuruudo saldhig u noqon kara inay wada hadalada Somaliland iyo ku qabsoomi karaan jawi ay dadka reer Somaliland ka dhex arki karaan danahooda Siyaasadeed Tusaale ahaan waxay ahayd in Madaxweyne Siilaanyo la hofadhiisto Shariifka Shuruudo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen

Si ay u bilaabmaan wada hadalo caafimaad qaba oo ay labad dhinacba ku qanci karaan waa inaan dastuurka Somalia ku qeexin Xaduudihiisa dhinaca waqooyi Galbeed ila inta ay wax midho dhal ahi ka soo baxayaan wada hadalada labada dhinac u bilawday  madaama ay tahay arin Qaranimada iyo Gooni siku Somaliland aad saamayn ugu leh ay tahay
Shuruuda labaad waxay ahayd inuu bayaamiyo in baarlamaanka ay koonfurta ka soo dhisayaan aanay u soo dari Karin xubno metalaya ama kaba socda dhulka ay juquraafi ahaan Dhacdo Jamhuuriyada  Somaliland

Laakiin sida aad ka wada war qabteen waxaa ka soo baxay Afar qodob oo aan macno badan lahayn oo ay dadku aad ula yaabeen

Hadaba dhacdooyinka iyo qaar kale oo badan oo ay ka mid yihiin Musuqmaasuqa, Eexda , Nin jeclaysiga, Qaraaba kiilka dhamaatooda lagaga dhaqmo Qasriga Madaxtooyada  oo aan jecelahay inaan dadweynaha u soo bandhigo si xidhiidh ah waxay ka turjumayaan waayaha iyo xaqiiqda dhabta ee ka jirta hogaanka dalka oo ay cadceeda ka cadahay inaanu ka jawaab celinayn Baahidii ay dadku u doorteen

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninka maalintii mas arkaa habeenkii xadhiga ayuu ka ordaa

Waxaan aad ugu xumahay in Mujaahid /Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo  intaan ka aqaana ahaa nin adag oo ahaa hogaamiye go,aan adag  ay waqti aad xun kaga soo beegtay inuu hogaanka dalka qabto oo xiligii uu baahnaa inuu nasto dhamaan duruufihii iyo dibindaabyooyinkii siyaasadeed uu nolosha xageeda hore ku soo maray

Madaxweyne hanaanka dimoqoraadiyada aan qaadanay oo ah inaan Doorano madaxweyne iyo ku xigeen xigmada ka dambeysaa waxay tahay hadii ay hawshu ku adkaato ama uu gudan kariawaayay badhkeeda amaba uu dalka ka aqan yahay madaweynuhu inuu awooda inteeda dheeraadka ku wareejiyho Madaxweyne ku xigeenkiisa oo ay isla ogaadaan waxa la qabanayo maalin kasta iyo Minute kastaba

Laakiin waxaa xaqiiqa jirta ah inaan Madaxweyne ku xigeenkii wax hawl ah hayn mar laga reebo meel uu dhagax dhigo ama raashin sadaqo ah oo uu soo qaybiyo kaas oo ay ku filaayeen inay fuliyaan shaqaale caadi ah, waxaa kale iyaduna hubaal ah in awoodii dalku u gacan gashay cid aan ehel u ahayn oo anay shacabku  dooran

Kama dambaystii Mudane Madaxweyne waxaan talo ahaan kugu soo jeedinayaa inaad awooda hogaaminta dalka wax ka siiso inta kugu dheeraadka ah ee aanad gudan karayn Madaweyne ku xigeenkii sida sharciga ah laguula doortay laakiin ha isku deyin inaad awooda hogaanka dalka u gacan geliso cidaan ehel  u ahayn, casharna ha kuugu filaanto wixii  ku dhacay hogaamiyayaal dunidan soo maray oo sidaa yeelay halkay ku dambeeyeen  iyo wixii ku dhacay.” ayuu ku yidhi qoraalkaa gudoomiyihii Nasiye.

Urur siyaasadeedka Nasiye oo ka mid ahaa Ururadii siyaasadeed ee dhowaan lagaga dhawaaqay Somaliland si ay uga qayb qaataan tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Ururada iyo axsaabta qaranka, balse Ururka Nasiye oo ka mid ahaa Lix Urur siyaasadeed oo kasoo gudbay wareejiigii hore ee shaandhaynta shuruudaha Ururada, ayaa ka hadhay dooraashada. kadib markii uu awoodi waayay inuu buuxiyo shuruudaha lagu xidhay Ururada ee musharxiinta gobolada iyo degmooyinka dalka ee doorashooyinka golayaasha deegaanka  u gudbiyo liiskooda komishanka doorashooyinka, taas oo uu awoodi waayay. kadibna gudoomiyaha ururku sheegay inay ka hadheen doorashada, isagoo xukuumadda ku eedeeyay inay ka kala fur-furtay musharixiinta ay ku diyaariyeen gobolada iyo degmooyinka dalka.
Ururka Nasiye ee uu Gudoomiyaha u ahaa Axmed Muxumed Cumar (Talyaani), waxa markii magaciisa la maqlay ee lagu dhawaaqay soo baxay warar si weyn laysula dhexmarayay oo sheegay inay lug ku leeyihiin masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay hormood u yihiin wasiiradda Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirka arrimaha debeda Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar, wuxuuna ahaa urur si weyn rayal caamka bulshadu ugu nisbeeyeen masuuliyiintaa, balse agaasimihii hore ee arrimaha debeda Somaliland Maxamuud Raagge oo xilkaa iska casilay horaantii sanadkan, ayaa ku eedeeyay labadaa wasiir inay ahaayeen maskaxdii samaysay Ururkaa, isla markaana ay ugu talo galeen inay kaga qayb galaan siyaasada, isagoo sidoo kale sheegay in dhaqaale badan lagu bixiyo, isla markaana gudoomiyaha Ururka iyo dad kale oo hogaankiisa ka mid ahaa aanay ahayn kuwa iska leh ururkaa, balse  gudoomiyaha Nasiye, ayaa xiliggaa beeniyay eedayntaa, iyadoo masuuliyiinta xukuumadda ee lala xidhiidhiyayna beeniyeen inay wax lug ah ururkaa iyo samayntiisa toona.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *