Dubi(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa heshiis dhinaca ganacsiga ah la gashay Dekedda Caalamiga ah ee Jebel Ali  ee Dalka Imaraadka Carabta. Kadib markii wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo  Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ay halkaa tageen todobaadkii hore, iyadoo

Madaxweyne Siilaanyo ay ku kulmeen magaalada Dubai Madaxweynaha dawladda Somalia ee waqtigeedu dhamaanayo.
Sida ay sheegayaan ila wareedyo xog ogaal ah oo laga helay dad ku dhow dhow wefdiga Madaxweynaha Somaliland,  ayaa heshiis la saxeexday Shirkadda maamusha Dekeda Jebel Cali  ee dalka Imaraadka carabta, heshiiskaas oo  dhigaya inay Jebel Cali la wareegto dekedda caalamiga ah ee Berbera.
Xukuumadda Somaliland ayaan wax wara kasoo saarin heshiiskaa iyo nooca uu yahay, balse Xoggaha laga helay  heshiiska labada dhinac ee Somaliland iyo Imaraadka, waxa u kala saxeexay  Maareeyaha Dekeddaha ee Dalkaas,  isla markaana ah masuulka u qaabilsan la-dagaalanka Budhcad Badeeda, iyadoo dhinaca Somaliland uu heshiiskaa u saxeexay Maareeyaha Dekedda Berber Eng: Cali Xoor Xoor oo ka mid ah Weftiga Madaxweyne Siilaanyo.
Dekedda Caalamiga ah ee Jebel Cali, ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay heshiisyo ay kula wareegay dekedo baddan oo dacalada aduunka ah la gashay dalal baddan, kuwaas oo ay maalgashi ku samayso, isla markaana maamulkooda la wareegto, balse waxa loo diiday dekedo ku yaala dalka maraykanka oo ay dhawr sano ka hor doonayeen in maamulkooda lagu wareejiyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *