Muqdisho(ANN)Qarax  weyn ayaa ka dhacay albaabka hore ee dhismaha xarunta Baarlamaanka Somalia, iyadoo ay mudanayaashu maanta ku lahaayeen xaruntaa oo u dhow Masjidka isbahaysiga ee Muqdisho.  wararka hordhaca ah ee

 

ka soo baxey khasaaraha ka dhashay qaraxaa oo ahaa gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo ku qarxay halkaa.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa  laga maqlayey guud ahaan magaalada Muqdisho oo ka dhacay barxadaa oo xildhibaanadu ay gaadiidka dhigtaan, waxaana wararku intaa ku darayaan in gaadhiga qarxay lagu dhex qariyey gaadiidka goobta yaalay.

Wararka hordhaca ah ee  kasoo baxaya qaraxaa ayaa sheegaya in ilaa hadda la arkay dhimashada labo qof oo midkood oo ku dhex jiray mid ka mid ah gaadiidka goobta yaalay, iyadoo qofka kalena uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada oo ilaalo ka  ahaa goobtaa.  sidoo kale waxa dhaawac kasoo gaadhay afar qof oo shacab ah ilaa inta la ogyahay. 

“Markii kulankii Baarlamaanku soo dhamaaday ayaa xildhibaanadu ka soo baxeen gudaha xarunta golaha shacabka waxaana goobtaa ka dhacay qarax aad u weyn oo ka dhashay gaadhi ku dhex jiray gaadiidka xildhibaanada”sidaa waxaa yidhi weriye ku sugnaa xarunta golaha shacabka.

Qaraxa ayaa  burburiyey gaadiid badan oo goobta yaalay,  kuwaas oo qaarkood ay wada gubteen kuwo kalena uu soo gaadhay  burbur, ciidamada AMISOM, ayaa wararku sheegayaan in gudoomiyaha baarlamanka iyo ku-xigeenadiisa ay ka kexeeyeen goobta markii qaraxu dhacay, balse ay xildhibaanadu si nabadgelyo ah uga bexeen goobtaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *