Washington(ANN)Madaxweyne Barack Obama, ayaa mar labaad ku guuleystay xilka madaxtinimada dalka Mareykanka. kadib markii uu helay in ka badan codadkii loo baahnaa ee Electoral-ka,  isaga oo helay 303, halka musharraxa la tartamaya ee Xisbiga

Jamhuuriga Mitt Romney uu helay 206, codadka Electrol-ka ee lagu saleeyo doorashada aqalka cad ee maraykanka.

Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga, Mitt Romney ayaa oggolaaday in laga guuleystay, waxa uu sheegay in uu telefoonka kula hadlay uguna hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Barack Obama, kadib guusha tartanka adag Obama oo mar labaad xafiiska loo dhaarin doono bisha January ee sanadka cusub 2013.

Romney waxa uu u mahadceliyay taageerayaashiisa, isaga oo sheegay in xilli adag uu ku jiro dalka, loona baahan yahay in si wadajir ah hoggaamiyeyaasha dalku u shaqeeyaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Obama ayaa isna ka jeediyay khudbaddii guusha xarunta Xisbiga Dimuqraadiga ee Chicago. Obama oo qudbad qiiro ah jeediyay ayaa ammaanay dhamaan dadka Mareykanka ee usoo baxay inay codeeyaan.
Waxa uu sheegay in ay u codeeyeen in ficil la sameeyo, laakiin siyaasad aanay u codeyn, waxa uu balanqaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatada dhaqaalaha. Obama waxa uu ku tilmaamay kooxdiisa ololaha u waday inay ahayd tan ugu wanaagsan siyaasadda. Waxa uu ammaanay xaaskiisa Michelle Obama iyo labadiisa gabdhood.

Waxa kale oo uu ammaanay Mitt Romney, oo uu sheegay inuu rajeynayo in uu la fadhiisto Romney oo ay ka wada hadlaan gacanta uu ka geysan karo, sidii waddanka hore loogu sii wadi lahaa.

Madaxweyne Obama waxa uu ku guuleeystay Gobollada sida weyn la isugu hayay sida Ohio, Wisconsin iyo New Hampshire.

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa codkooda ka dhiibtay doorashada Madaxtinimada oo ay ku tartamayeen Madaxweyne Obama oo ka socday Xisbiga Dimuqraadiga iyo Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga Romney.

Ololahan doorashada madaxtinimada ayaa ah kii ugu adkaa, isla markaana ay ku baxday lacagtii ugu badneyd taariikhda waddanka Mareykanka. Labada nin ayaa mid walba waxa uu galay olole xooggan

Inta badan ra’yiga dadka laga aruriyay ee gobollada aadka loogu loolamay ayaa muujinaya in Obama uu xoogaa yar ku horeeyay tartanka loogu jiray aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareykanka. ka hor natiijada doorashada.

Madaxweyne Obama ayaa ku eedeynayay in Mr. Romney uu dalka uun dib u dhigi doono.

Mitt Romney ayaa isna waxa uu ku celcelinayay in siyaasadaha Madaxweyne Obama ay fashilmeen.

Labada nin ayaa mid walba waxa uu galay olole aad u weyn iyaga khudbado u jeedinayay taageerayaashooda gobollada kala duwan ee dalka.
Doorashada Madaxweynaha ee Aqalka cad ka sokow waxa  kale oo oo la dooranayay Guddoomiyeyaasha 11 gobol, saddex meelood kuraasta boqolka xubnoo ee Senate-ka Mareykanka iyo 435 kursi ee Aqalka wakiillada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *