Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka Xadhiga ka jiray wajiga koowaad ee Mashruuc laga hirgeliyay wado Laami ah oo isku xidhi doonta Hargeysa iyo magaalada Salaxley ee koonfurta dhinaca hawdka ee

 

Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia. oo qaybtii ugu horaysay la dhamaystiray.

Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayo oo ka qayb galay munaasibada xadhiga lagaga jarayey wajiga koowaad ee dhismaha wadada oo dhererkeedu dhantahay 13 KM oo Laami ah,  waxa xaflad loogu sameeyey degmada Toon, iyada oo  ay xafladaa ka soo qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo iskugu jira Wasiiro, Salaadiin iyo masuuliyiinta u xil saaran dhimasha wadadan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa sheegay inay gacan balaadhan ka gaysan doonaan dhismaha wadada iyo sidii loo dhamaystiri lahaa. Munaasibada waxa kale oo  ka hadlay masuuliyiin tiro badan.

Cali Ibraahim (Cali Sanyare) Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland ahna guddoomiyaha guddida dhisaysa wadadaa oo  ka hadlay munaasibadaa ayaa ka warbixiyey wadada hawlaheedu  iyo halka ay marayaan, isaga oo sheegay in ay qayb qaateen dhismaha wadadan dadka deegaanku, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in ay xukuumadduna qaybteeda ka qaadato.


Jidkan Laamiga ah oo dhismihiisa loo fulinayo afar qaybood oo kala ah wajiga koowaad  Hargeysa ilaa Toon,  wajiga labaad toon ilaa Qool Caday, wajiga saddexaad Qool Caday ilaa Salaxley iyo Wajiga afaraad oo ku eeg Salaxley ilaa Xuduudka Itoobiya, isla markaana dhaqaalaha lagu hir-gelinayo ay iskaa wax u qabso isaga Uruuriyeen  Bulshada Reer Salaxley ee Gudaha dalka  iyo dibada ku nooli sidoo kale waxa ka qayb qaabtay bulshada magaalada Hargeysa iyo dad ganacsato ah. ayaa qaybta maanta madaxweynuhu xadhiga ka jarayo

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *