Nairobi(ANN)Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in qarax labaad uu ka dhacay goob baabuurta basaska ah laga raaco oo ku taalla badhtamaha  xarunta dalkaa ee Nairobi.Qaraxaa ayaa la sheegay inuu ku dhintay hal qof,  isla markaana
ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inuu jiro baadhitaan la doonayo in lagu ogaado cidii ka danbaysay qaraxaa oo ah kii labaad ee todobaadkan ka dhaca xarunta dalka Kenya ee Nairobi,  iyadoo  qaraxii hore  oo ahaa nooca bambaannada gacanta laga tuuro oo lala beegsaday meel baar ah oo lagu caweeyo oo ku taalla badhtamaha magaalada Nairobi, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay Ugu yaraan 13 qof.
Boliiska Kenya ayaa baadhitaan ku samaynaya qaraxyadan oo la tuhmayo inay dhici karto inay ka danbeeyaan kooxda Al-Shabaab. Qaraxyadaa ayaa  daba socda kaddib markii kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay ku hanjabtay inay weerar ka geysan doonto gudaha Kenya, weeraradaa oo ay kaga aargudanayso howlgalka military ee ciidamada Kenya ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn uga digtay inay dhici karaan weeraro kuwan ka waaweyn oo khasaare geysta, isla markaana ka yimaada Al-shaabab.
Dhinaca kale dawladda Kenya ayaa ku adkaysanay inay ciidamadeedu ka dagaalamaan gudaha Somalia, iyadoo ay dawladda taagta daran ee Somalia oo todobaadkii hore ogolaatay inay ciidamada Kenya soo galaan gudaha Somalia ay hada si weyn uga hortimi, taas oo keentay khilaaf siyaasadeed iyo muran ka aloosan  madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia Sh.  Shariif iyo masuuliyiinta dawladda Kenya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *