Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan kaabista iyo wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Xeer No: 20/2001 kaas oo saamaxaya in doorashada dawladaha hoose

 

ay isu soo taagi karaan dhalinyarada 25 jirka ahi. Laakiin ku baaqay in la cadeeyo qodobo ku jiray wax ka bedel lagu sameeay xeerka nidaamka ururada siyaasada oo dhawaan aqalka wakiiladu ansixiyeen.
Gudmooyiha Kulmiye  Muuse Biixi wuxuu sidaa ku sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray oo u qornaa sidan:-
“Xisbiga KULMIYE wuxuu soo dhoweynayaa labada go’aan ee golaha wakiiladu qaatay eek ala ahaa da’da murashaxiinta dawladaha hoose ee hoos loo dhigay iyo murashaxiinta dawladaha hoose oo toos u tartamaya.
Xisbiga KULMIYE, xukuumadiisa iyo xildhibaanadiisa wakiiladu dedaal badan ka dib waxa hirgelay ballan-qaadkiisii ahaa in dhallinyarada fursad loo siiyo in ay ka qayb qaataan hogaaminta dalka.
Sida aynu ognahay barnaamijka ololaha xisbiga kULMIYE waa uu ballan qaaday in da’da 35 sanno ah laga dhigo 25 sanno, dedaal badan ayaanay xisbiga KULMIYE , xukuumadiisa iyo xildhibaanadiisuba u galeen sidii arrintaasi meel mar u noqon lahayd, maantana ad banu u soo dhoweyneynaa go’aanka golaha ka soo baxay.
Dhallinyarada waxaanu  u aragnaa in ay yihiin hogaamiyeyaasha berri iyo xooga  maanta. Sidaa daraadeed ay waajib tahay in lagu barbaariyo hogaanka dalka.
Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisa waxa kale oo ay hore u fuliyeen balan-qaadkii furista ururada siyaasada, taasina waxay  in xukuumada iyo xisbiga kULMIYE in ay hirgelinayso barnaamijka xisbiga lagu doortay, waxa kale oo ay muujinaysaa dimuquraadiyada  iyo tallo wadaaga dalka lagu hogaaminayo.
Xisbiga KULMIYE waxa uu dedaal ugu jiraaa sidii haweenka iyo dadka la hayb sooco loo xoojin lahaa qayb-galkooda goleyaasha Qaranka.
Dhinaca kale, kaabista golaha wakiilada  ku sameeyey xeer 14/2011, qodobka 25aad faqradiisa 3aad ee dhigaya.. mar kasta oo la furaayo tartanka siyaasadeed ee G/deegaanka mudanaha ka tirsan golaha wakiilada ama goleyaasha deegaanka waxa  u bannaan inuu furan karo urur siyaasadeed cusub ama  uu ka bixi karo Urur/xisbi siyaasadeed ee uu doono.
Weedhan kaabida ahi waxay saamaynaysaa nuxurka dimuquraadiyada, habka doorashada iyo nabad geliyada guud ee dalka.
Habka aynu wax u dooranaa waa “proportional representation system” macnuhuna waxay tahay dadku waxay u codaynayaan xisbinimada, marka xisbiyadu codka shacabka kala helaan ayey murashaxiintu xisbiga gudihiisa ku kala baxaan sida ay u kala cod badan yihiin xisbiga dhexdiisa. Halkaa waxa ka cad in ay murashaxiintu ku soo baxayaan cod xisbigu leeyahay, laakiin ma jiro mudanuhu cod uu gaar u leeyahay oo uu ku soo baxay.
Sidaa daraadeed, mudanuhu waxa uu golaha ku fadhiyaa codkii xisbiga keenay oo aanu meel kale ula guuri Karin. Isagu xisbiga waa uu ka bixi karaa qof ahaan, laakiin xildhibaanadu mar walba waxay ku hadhaysaa xisbiga.
Kaabida golaha ka soo baxday waa in ay arrintaa cadaysaa, si looga hor tago muran siyaasadeed iyo khilaaf dhibaato keena. Hadda sida ay ku soo baxday ma cadda in xilshibaanimadii ku hadhayso xisbiga. Waa in aanu xildhibaanna codkii dadku ay xisbiga siiyeen ula guuraan meel kale, taasi xaqdaro ayey ku noqonaysaa codbixiyeyaashii. Xisbiga KULMIYE wuxuu ku talinayaa in arrintaa wada tashi laga yeesho dhinacyada ay khusaysaa inta aanay majaraha sharci dhamaysan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka gudoomiyaha Kulmiye.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *