Libya(ANN)Saraakiisha golaha qaranka Libya ayaa sheegay in maydka hoggaamiyihii hore ee Libya Mucammar Qaddafi lagu aasay qabri aan la calaamaydayn oo ku yaalla meel qarsoodi ah.Saraakiisha ayaa sheegay in Qaddaafi, wiilkiisa Mutassim iyo wasiirkii hore ee

difaaca Abu Bakar Younis maanta oo salaasa ah la aasay loona sameeyay xaflad diini ah oo isku mid ah, waxayna xuseen in fadwo diiniya oo lasoo saaray lagu sheegay inaan lagu aasi karin xabaalaha Muslinka.
Sidoo kale waxay sheegeen in Jinaasada Maydka Hogaamiyihii hore ee dalka Libya ay kasoo qayb galeen dad yar oo qaarkood ka mid ahaayeen ehelkiisa.
Maydka Qaddaafi ayaa tan iyo maalinimadii jimcaha ahayd yaalay talaagad ay dadweynuhu ka daawanayeen oo ku taalla magaalada dekedda ah ee Misrata. Kadib markii la qabtay 20 Oct, 2011, isaga iyo wiilkiisa iyagoo dhaawac ah, basle si qarsoodi ah ay u dileen mucaaridka gacanta ku dhigay dalka Libya, kuwaas oo si araxandaro ah oo ka baxsan biniaadanimada ula dhaqmay, isla markaana si xun u dilay. kadibna maydkiisa dhigay meel ay dadku ku daawadaan. 
Dadka reer Libya oo saf ugu jira inay daawadaan maydka Qadaafi
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *