Muqdisho(ANN) Bakhaarro Ku yaalla Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa Laga qaatay Hub badan oo ay lahayd dawladu, kadib markii Habeen hore laga xaday hubkaas oo ahaa mid kayd ah oo yaalay bakhaaradaa. sida ay

 

shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen ila wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho.
Wararka qaar ayaa  sheegaya in Hubkaa  Loo gacan geliyay Kooxaha Kasoo Horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya, balse qaar kale ayaa sheegaya in hubkaa la qaatay kadib markii ay shacbiga magalada Muqdisho soo waajahday cabsi ka dhalatay xasuuq dhowaan ciidamada nabadsugidu ku sameeyeeen dhalinyaro ay xabsiyada ku hayeen oo maydadkooda lagu soo daadiyay shaaracyada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa xaqiijiyay inuu jiro hubka laga qaatay Bakhaarada, isla markaana wuxuu xusay in  ay socdaan Baadhitaanno ku saabsan Hubka la xaday oo ay xukuumaddu qaadayso talaabo marka ay cadaato arrintaasi, balse wuxuu wasiir ku xigeenku ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo arrintaa. 

wararka sheegaya in Hubku ku noqonayo gacanta shacbiga Muqdisho ayaa soo baxaya maalmo ka dib markii Dalka Soomaaliya Laga qaaday Xayiraaddii hubka ee saarnayd. kadib Markii Golaha Ammaanka uu yeeshay kulan uu  arrinta Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya saarnayd  mudo ka badan 20 ka sano kasoo saaray qaraar lagu qaadayo xayiraadaa, balse waxa xayiraad ka qaadista daba socday  baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya in hubkaasi ay ka ilaaliso Gacanta kooxaha Kasoo Horjeedo ee Argagixisada ah iyo inuu u gacan galo shacabka.

Hase yeeshee go’aanka golaha amaanka ee xayiraada hubka lagaga qaaday Somalia, waxa ka horjeestay Hay’addaha Caalamiga ee Xuquuqda Aadamaha, qaar ka mid ah beesha caalamka, kuwaas oo ku dooday in hubka oo loo fasaxo somalia uu sabab u noqonayo in dagaalo sokeeye dib uga bilaabmaan halkaa, isla markaana uu hubku u gacangalo kooxaha xagjirka ah ama deegaamada qaarkood. kadibna ay xaaladu ku noqoto halkeedii.
Sidoo Xukuumadda Somaliland oo ka mid ah wadamada ganafka ku dhiftay in xayiraada hubka laga qaado Somalia, iyadoo ku tilmaantay Somaliland arrintaa  mid lagu deg degay oo ay suurta gal tahay  in Hubka dowladdu ay gacanta ku dhigto ay si fudud u heli karaan Kooxaha kasoo horjeeda,  maadaama sida  ay sheegeen aanay dawlada Somalia awood buuxda u lahayn inay xakamayso hubka gacanteeda ku jira.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia  Xasan Sheekh oo dhawaan ka hadlayay Isbedel lagu sameeyay saraakiisha u saraysa Ciidanka Milateriga Hoggaankooda ayaa  ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya in Hubka dowladda aanu u gacan gelin Kooxaha kasoo horjeeda dawlada, taas oo uu sheegay inay sumcad xumo u keenayso dawlada.

Si kastaba ha ahaatee hubka laga qaatay Villa Somalia oo ah Madaxtooyada Somalia ayaa soo baxay, iyadoo ay dadka magaalada Muqdisho soo waajaheen cabsi ka dhalatay xasuuq ay ciidamada nabadsugidu ku sameeyeen dhalinyaro ay xabsiyada ku hayeen oo shaaracyada wadooyinka si foolxun loogu soo daadiyay habeenimo, taas oo dadka qaarkood ku abuurtay cabsi iyo inay dib u raadsadaan hubkooda.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *