Muqdisho(ANN)Qarax weyn oo ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho ayaa sababay dhismashada 7 Arday oo saarnaa Bas nooca loo yaqaan Caasiaga, kaas oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa iyo
sadex ka mid ah Ilaalada Taliyaha Sirdoonka ee Muqdisho.
Sidoo kale waxa qaraxaa dhaawac kasoo gaadhay Taliyihii Sirdoonka ee Muqdisho Khaliif Axmed Ereg iyo qaar ka mid ag Ilaaladiisa, waxaana tirada dadka ku dhaawacmay lagu sheegay ilaa labaatan qof, kuwaas oo ku sugnaa goobta Maqaaxida Hooyooyinka oo u dhow ex Fiyoora oo aan ka fogayn Tiyaatarka iyo Madaxtooyadda Villa Somalia.
Dad goob joog ah ayaa sheegay in gaadhiga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa la doonayay in lagu khaarajiyo Taliyaha Sirdoonka Muqdisho oo ay hore Al-shabaab ugu dirtay hanjabaado, iyadoo ka hor intaanu gaadhigu qarxin dadka qaar sheegeen in gaadhiga qarxay uu eryanayay gaadhigaa ay leeyihiin sirdoonka, balse Taliyaha Sirdoonka Somalia Khaliif Ereg ayaa u sheegay Idaacada VOA in isaga gaadhigiisa la beegsaday oo ay xaaladiisu fiicantahay. Laakiin wuxuu xusay inay ku dhinteen sadex ka mid ah askarta Ilaaladiisa.
Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaa, kaas oo ay sheegeen inuu fuliyay mid ka mid ah kooxda ay ugu yeedhaan istish-haadiga, waxayna xuseen ujeedada weerarku in ay ahayd mid lala beegsaday Madaxa Sirdoonka dawlada Somalia ee Muqdisho Khaliif Axmed Ereg , kaas oo lala xidhiidhiyay xasuuq dhowaan lagula kacay koox dhalinyaro ah oo ku jiray xabsiyada ay maamulaan sirdoonku, balse maydadkooda lagu soo daadiyay shaaracyada wadooyinka magaalada, taas oo si weyn uga cadhaysiisay shacbiga magaalada Muqdisho, isla markaana uu Raysal Wasaaraha xukuumadda Mr. Saacid sheegay inay tahay arrin foolxun oo ay guddi u saareen sababta ay arrintaasi u dhacday.