Baydhabo(Araweelo News Network)Kolanyo Baabuur ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo ayaa lala beegsaday qarax, kaas oo sababay khasaare dhimashada ilaa toban ka tirsan
ciidamada saarnaa gaadhiga qaraxa lala eegtay.
Ma jiro war kasoo baxay Ciidmada AMISOM oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashayq araxaa, balse warar laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in Qaraxaa oo lala beegsaday Kolanyada gaadiidka oo marayay duleedka Baydhabo ayaa dhaliyay dhimashada 10 askari iyo burbur soo gaadhay gaadhiga ay wateen oo ahaa kuwa gaashaaman.